RW-NETANYAHU OO KA HADLAY DAGAALKA ISRA’IIL IYO IRAN.

(SAWIRKA)-RW-NETANYAHU.

(TEL AVIV)-Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa yiri”Madaxweyne Trump waxa inagu taageeraa dagaalka ka dhanka dalka Iraan,waxa uuna ilalaaliya hawadeena”. Laga soo bilaabo aaga Beer Sabcah oo horaantii Khamiista maanta ah lagu arkay Gentaalo ey soo tuurtay Iraan kuwaaso lagu bartilmaameedsaday Isbitaalka Soroko,Reysal Wasaare Netanyahu waxa uu ku nuux-nuuxsaday in Isra’iil ey sii wadi doonto dagaalka si meesha looga saaro khatarta Nukliyeerka ee dalka Iraan. Waxaa kaloo uu Xaqiijiyey Netanyahu in Isra’iil ey taageeri doonto go’aan kasta oo ka soo baxa Madaxweynaha dalka Maryakanka Donald Trump,isagoo ku sifeeyey “Saaxibka Yahuuda iyo dawladda Isra’iil”,waxa intaas dheer in Netanyahu uu Trump ku tilmaamay inuu yahay nin taageero hawlgaladda Isra’iil ee ka dhanka ah dalka Iraan.

AMEERIKA WAXA EY ILAALISAA HAWDEYNA:

“Maraykanku wuu ina caawiyaa wuxuuna ka qeyb qaataa ilaalinta hawadeyna” ayuu yiri Netanyahu isagoo raaciyey”Duuliyeyaasha Maraykanka waxa ey hawada ku gelbiyaan diyaaradaha Isra’iil”. Netanyahu ayaa hadlkiisa ku gabgabeeyey in Barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iraan uu dalka Isra’iil khatar ku yahay,isagoo ku nuux-nuuxsadayin “Dagaalada,ficilada kaliya ey ka hadlaan” waa sida uu hadalka u dhigaye.

Previous
Previous

IRAAN IYO MIDAWGA YURUB OO BERRI GENEVA KU KULMAYA.

Next
Next

IMTIXAANKA SHAHAADADA D/SARE OO MAANTA SOO DHAMMAADAY.