IRAAN IYO MIDAWGA YURUB OO BERRI GENEVA KU KULMAYA.
(SWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA IRAAN.
(TEHRAN)-Sida ey ku soo warantay Wakaaladda rasmiga ah ee Waraka dalka Iraa Tasnem, Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Caraqji ayaa xaqiijiyay inuu qorshaynayo kulan uu Jimcaha la yeelanayo dhiggiisa dalalka Yurub iyo Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ee ka dhacaya dalka Switzerland.
Diblumaasiga ugu sarreeya Iran ayaa qiray Khamiistii inuu si wadajir ah ula kulmi doono Wasiirrada arrimaha dibadda ee UK, France iyo Germany iyo sidoo kale ergeyga sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo siyaasadda Kaja Kalas. Caraqji ayaa sheegay in wufuudda Iran iyo Yurub ey ku kulmi doonaan Geneva maalinta Jimcaha ah ee bisha June 20-keeda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in kulanka soo socda lagu qaban doono codsi ka yimid Midawga Yurub. Kulanka ayaa u muuqda mid rajo wanaagsan ka muujinaya dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu joojinayo dagaalka maamulka Israa’iil uu ku hayo Iran. Maamulka Yahuuda ayaa dagaal gardaro ah oo aan loo meel dayin ku qaaday dalka Iran 13-kii bishii June ee sanadkan, waxa uu duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday xarumaha Nukliyeerka ee dalka Iran, ciidamada iyo goobaha ey dagan yihiin, taasi oo keentay iney ku shahiidaan taliyayaal sare oo ciidan, saynisyahano Nukliyeer ah iyo muwaadiniin caadi ah. Ciidamada Iraan ayaa durbadiiba bilaabay weeraro rogaal celis ah. Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa fuliyay 14 mowjadood oo gantaallo ah oo aargoosi ah oo ka dhan ah maamulka Yahuuda illaa 19-kii June oo qayb ka ah Hawlgalka Ballanqaadka Dhabta ah ee III.
ISHA WARKA-TASNEM.