WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII MADASHA WADATASHIGA QARANKA.

(SAWIRKA)-MADASHA WADATASHIGA QARANKA.

(MUQDISHO)-Tan iyo marka laga soo bilaabo maalintii Axada ey bishaan Juun ahayd 16-ka,waxaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ka socday shir loogu magac daray Gogosha Wadatashiga Qaranka, Gogoshaan ayaa waxaa fidiyey Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud waxaane ka soo qeybgalay Ururo,Xisbiyo iyo Siyaasiyiin horay dalka Soomaaliya xilal uga soo qabatay eyna ka mid yihiin Gudoomiyeyaashii baarlamaanka hore iyo kuwa dawlad Goboleedyadda. Madasha ayaa socotay muddo dhan ilaa afar maalmood,waxaane Axadii furay Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud isaga ayaana maanta oo Khamiis ah soo xiray,in kastoo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu shirka joogay Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre. Madasha ayaa laga soo saaray War-Murtiyeed iyo Baaq, Qodobadda ayaa waxaa ka mid ah:(1)-Midnimada dalka Soomaaliya. (2)-Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada. (3)-Dhammaystirka Dastuurka dalka Soomaaliya ee hadda qabyadda ah. (4)-Dimuqaraadiyeynta iyo Doorashooyinka dalka ee soo socdo. Gogoshaan uu dhigay Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud waxaane kasoo qeyngelin Mucaadka DFS ee uu hogaamiyo Ex-Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed lana magac baxday Madasha Samatabixinta Soomaaliya, waxa iyagana madal loogu baaqay Dawlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS iyo G/Banaadir taaso dhici doonta 22-ka bishaan kuna beegan Axada soo socota,lama hubo iney imaan doonaan iyo in kale dawlad goboleedyadda hadda diidan sida wax u socdaan ee kala ah Puntland iyo Jubaland.

HALKAAN KA AKHRSIO WAR-MURTIYEEDKA.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

MADAXWEYNAHA MARAYKANKA OO KA FKERAAYO IN IRAN LA WEERARO IYO IN KALE.

Next
Next

IRAAN IYO MIDAWGA YURUB OO BERRI GENEVA KU KULMAYA.