MADAXWEYNAHA IMAARAATKA OO KHADKA TELEFOONKA KULA HADLAY DHIGIISA IRAAN.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNEYAASHA IRAAN IYO IMAARAATKA CARABTA.
(TEHRAN)--Madaxweynaha Iran, Mascuud Pezeshkiyan, ayaa sheegay in maamulka Isra’iil oo ey taageerayaan quwadaha waa-weyn ee caalamka uu ku Xad-gudbay dhammaan shuruucda caalamiga ah, taasina ey khatar ku tahay nabadda Gobolka. Intii lagu guda jiray wadahadal khadka taleefanka ah oo uu la yeeshay dhiggiisa dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, Sheikh Mohammed bin Zayed Talaadada maanta ah, Pezeshkiyan wuxuu ku nuux-nuuxsaday sida ey Iraan uga go’an tahay Midnimada iyo iskaashiga dalalka deriska ah oo Imaaraadka uu ku jiro. Isaga oo soo xiganaya dilkii Shahiid Haniyeh, waxa uu sheegay in Israa’iil ey mar walba isku daydo iney wiiqdo hindisayaasha isdhexgalka iyo iskaashiga. Nidaamka Isra’iil wuxuu iska indhatiraa dhammaan qaab-dhismeedka caalamiga ah, isagoo ku kacaya dambiyo isagoo taageero ka helaya quruumaha awoodda leh, ayuu yiri Pezeshkiyan. "Haddii ficilada noocaan ah ey sii socdaan, Gobolka waligiis ma heli karo nabad waarta." Dhankiisa, Mohammed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa muujiyay garab istaagga Iran. "Qalbigayaga ayaa kula jira, waxaanan u baryaynaa badbaadada Iraan iyo dadkeeda," ayuu hoosta ka xariiqay.
ISHA-MEHR.