DALKA MAALI OO ISKA CEYRINAAYA SHIRKAD DAHABKA BAARTA.
(SAWIRKA)-DAHAB.
(MALI)-Garsoore ku sugan dalka Maali ayaa Isniintii amar ku bixiyay in dhismaha dahabka ee Barrick Gold ee Loulo-Gounkoto in la hoos geeyo maamulka ku meel gaadhka ah muddo lix bilood ah, khilaaf soo kala dhex galay shirkadda macdanta ee Canada iyo dawladda milatariga ee Galbeedka Afrika oo ku salaysan cashuuro aan la bixin. Zoumana Makadji, Xisaabiye iyo Wasiirkii hore ee caafimaadka Mali ayaa loo magacaabay maamulaha ku meel gaarka ah ee shirkadda 15 maalmood gudahood, Garsooraha Ciisa Aguibou Diallo ayaa sidaas ku sheegay hadal uu u jeediyay Qareennada Barrick. Barrick waa soosaaraha dahabka ugu weyn Afrika. Dhismaha Loulo-Gounkoto iyo macdanteeda Kibali oo ku taal Congo ayaa ka mid ah 10-ka ugu sarreeya ee macdanta dahabka ah ee adduunka, sida laga soo xigtay mareegaha shirkadda. Barrick Gold ayaa waxa uu khilaaf kala dhexeeyay Madaxda millatariga Maali oo uu ku eedeeyay canshuur la’aan iyo heshiisyo aan cadaalad ahayn oo uu la galay dowladihii hore. Khilaafkan ayaa ku dhamaaday amar lagu soo xirayo bishii December ee sanadkan oo lagu soo xiray maamulaha Barrick Mark Bristow iyo in shirkaddu ey bixiso lacag dhan 370 Milyan oo dollar oo dowladda ey siiso. "Iyadoo ey garabyada Barrick ey yihiin Milkiilayaasha sharciga ah ee maamula, kontoroolka hawlgalka waxaa lagu wareejiyay maamule dibadeed," Barrick ayaa ku yiri bayaan uu soo dhigay website-kiisa ka dib xukunka.
'DANTA DHAQAALAHA QARANKA'
Ilo ka tirsan dowladda Mali ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in xukunka uu "ilaaliyo danaha dhaqaale ee qaranka" kana fogaanayo "xiritaanka deg dega ah ee miinada iyadoo uusan jirin heshiis dib loo eegay". Bishii Disembar, Barrick waxa uu codsi gar-qaadis ah u gudbiyay Xarunta Caalamiga ah ee Xalinta Khilaafaadka Maal-gashiga si wax looga qabto khilaafka Mali ee khuseeya dhismaha Loulo-Gounkoto, halkaas oo miinooyinku ku yaalliin. Iyada oo ey taasi jirto, ayey dawladdu qaaday tillaabooyin is-daba-joog ah oo ey ka mid tahay xariga shaqaalaha Barrick Gold, oo weli xiran, iyo joojinta dhoofinta dahabka. Barrick, oo joogay Mali soddon sano, ayaa ku nuux-nuuxsaday in geeddi-socodkii dhexdhexaadintu uu weli socdo, wuxuuna dib u xaqiijiyay go'aankiisa ah "inuu la macaamilo dawladda Mali, si barbar socda, si loo ogaado xal wax dhisaya, oo la wada aqbali karo."
SHAQAALAHA LA XIRAY 'LOO ISTICMAALAY SIDII FAA’IIDO AHAAN'
Bayaanka shirkaddu soo saartay Isniintii ayaa lagu daray: “Xariga joogtada ah ee shaqaalaheenna kuwaasoo weli si xaq-darro ah u xiran oo loo adeegsado hawshan waxay si qoto dheer u khusaysaa oo aan waafaqsanayn kalsoonida, daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka looga baahan yahay iskaashi dhab ah oo muddada-dheer ah. "Ilaa hadda, ma jirto sabab lagu kalsoonaan karo oo la soo bandhigay si loo caddeeyo xarigan iyo mowqifka dawladda, iyo dalabaadka dawladeed ee sii kordhaya waxay ka maqan yihiin aasaas dhab ah iyo sharci labadaba." Maali waa mid ka mid ah wadamada Afrika ee hormuudka ka ah soo saarista dahabka, laakiin waxay la halgamaysay sanado badan rabshado jihaad ah iyo heerar sare oo faqri iyo gaajo ah. Milateriga ayaa talada la wareegay sanadkii 2020-kii, waxaana dowladdu ey cadaadis sii kordheysa saartay shirkado shisheeye oo macdan qodaya, xilli ey dooneysay iney soo xareyso dakhliga. Bishii Nofembar, maamulaha shirkadda Resolute Mining ee Australia-ka ah iyo laba shaqaale ayaa lagu xiray Bamako. Dadkan ayaa la sii daayey ka dib markii shirkaddu ey 80 Milyan oo dollar siisay maamulka Mali si loo xalliyo muran dhanka canshuuraha ah, waxayna ballan qaaday iney bixin doonto 80 Milyan oo kale bilaha soo socda.
ISHA-FRABCE24.