RW-XAMSE CABDI BARRE OO KU BIIRAY GOGOSHA WADATASHIGA QARAN.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE.

(MUQDISHO)-Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,oo Sshir Guddoomiyey Gogosha Wadatashiga Qaran oo maalintii 2-aad ka socota Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan dhinacyada Midnimada, Amniga, Doorashooyinka, Dhammeystirka Dastuurka, Dowlad-dhiska dalka, Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Qorshaha Qaran ee (NTP). Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dalkeennu uu marayo marxalad muhiim ah oo loo baahan yahay in la adkeeyo wadajirka ummadda, si looga gudbo caqabadaha jira, isla markaana xal maangal ah loogu helo wax walba oo khilaaf ah.“Soomaaliya waxa ey maraysa xilligii loo guuri lahaa siyaasad ku dhisan mabaaddi, fursadna loo siin lahaa in muwaadinka Soomaaliyeed la doorto, waxna uu doorto, gogoshan waa gogol aan cidna laga tagin, waxaanna laga qeybgaliyey dhammaan qeybaha bulshada, waxaa jooga dhammaan dadkii doonayey iney hoggaanka qabtaan”. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa u soo jeediyey Ummadda Soomaaliyeed iney u midoobaan ciribtirka Khawaarijta, hirgalinta doorashooyinka iyo qorsheyaasha waa-weyn ee muhiimka u ah ee dowlad-dhiska dalkeenna.“Caqabadaha-na hortaaggan ma fududa, howsha noo taallana ma yara, dhinac waxaan ka wajahaynaa cadow halis ku ah diinteenna, dhaqankeenna, dowladnimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed. Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray. “Dhinaca kale waxaan ka wadnaa dhisidda dowlad dimuqraadi ah, oo leh dastuur dhammeystiran, iyo xaqiijinta midnimada iyo gobonnimada dalkeenna, sidaas darteed “gacanna cadowgeenna ayaan kula dagaaleynaa, gacanna Qaranka ayaan ku dhisaynaa”. Dhinaca kale ,Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Bartiisa Facebook-ga waxa uu soo dhigay hadal kooban una qoran sidaan: “Dowlad-dhiska dalkeennu waxa uu soo maray marxalado kala duwan, marxalad walbana waxaa laga gudbayay caqabado ku horgudbanaa ummadda Soomaaliyeed. Dadaal badan ka dib haatan waxaan taagannahay xilli dowlad-dhiskeenna laga gaaray guulo waa-weyn oo aan la dafiri karin. Muddo dheer dalkeennu waxa uu ku soo jiray nidaam doorasho oo dadban, muddo xileed walba waxaa la ballan-qaadi jiray in la hirgalinayo nidaam doorasho oo ku dhisan Qof iyo Cod. Iyada oo ey jiraan caqabado badan ayaa haddana go’aan sannay inaan ka dhabaynno ballan-qaadkaas. Waxaa diyaarinnay sharuucdii loo baahnaa ee lama huraanka u ahaa doorashooyin dadweyne. Waxaan dhisnay guddigii doorashooyinka ee madaxa bannaanaa. Dhowr iyo kontan sano ka dib waxaa markii ugu horreeysay diiwaangelin doorasho ka socotaa caasimadda dalka ee Muqdisho. Waxaa diyaar u nahay in laga wada xaajoodo, wadatashi badan laga galo hannaanka fulinta doorashadaas. Ma jirto cid laga maarmo ra’yigeeda iyo taladeeda, waana sababta aan gogoshaan u fidinnay, annaga oo aaminsan in ummaddeennu ey mudan tahay helidda Dowlad Dimuqraadi ah oo ey codkooda ku doortaan cidda iyaga matalaysa”.

ISHA-OPM.


Previous
Previous

DALKA MAALI OO ISKA CEYRINAAYA SHIRKAD DAHABKA BAARTA.

Next
Next

HORJOOGE SARE OO ALSHABAB AH OO U GEERIYOODAY DHAAWAC SOO GAARAY.