HORJOOGE SARE OO ALSHABAB AH OO U GEERIYOODAY DHAAWAC SOO GAARAY.

(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo inuu geeriyooday Horjooge sare kana tirsan kooxda Khawaarijta Alshabab kaaso in mudda ah dhibaato ba’an ku haayey shacabka Gobolka Banaadir degan.Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa ku sheegtay in la xaqiijiyay geerida Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sareeya ee dhagaraha iyo shirqoolada ey Al-shabaab ka fuliyaan Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle. Cabaas Hool ayaa u geeriyooday dhaawacyo culus oo kasoo gaaray howlgal qorsheysan oo ey hore u fuliyeen Ciidanka Qalabka Sida, kuwaasoo sababay iney dhacaan xanuunno kale oo ugu dambeyn sababay geeridiisa. Ninkan ayaa Al-shabaab ku biiray sanadkii 2007, isaga oo si toos ah uga qayb qaatay weerarro Arxan-darro ah oo lagu bartilmaameedsaday shacabka Muqdisho. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Khawaarijta ee si gaar ah ugu jiray liiska bartilmaameedka Ciidanka Qalabka Sida iyo Hay’adaha Amniga Qaranka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xasuusinaysaa in eysan jirin meel ey uga baxsadaan cadaaladda iyo ciidamada, horjoogeyaasha Khawaarijta ee caadaystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKA.

ISHA-RISAALA.


Previous
Previous

RW-XAMSE CABDI BARRE OO KU BIIRAY GOGOSHA WADATASHIGA QARAN.

Next
Next

DIYAARADA SACUUDIGA OO LOOGA SHAKIYEY BAM LANA…