DIYAARADA SACUUDIGA OO LOOGA SHAKIYEY BAM LANA…

(SAWIRKA)-SHIRKADDA DIYAARADAHA SACUUDIGA.

(JAKARTA)-Diyaarad siday boqolaal Xujaay ah oo kasoo laabtay Sacuudiga ayaa lagu weeciyay Indonisiya Talaadada maanta kuna beegan (Jun 17/25)-ka, ka dib markii hanjabaad Email ah loo diray maamulka, sida ey sheegay Hay’adda Duulista Hawada ee Indonisiya. Agaasinka guud ee duulista rayidka ayaa sheegay iney ka heleen warbixin ka timid hawl wadeenka Garoonka diyaaradaha ee Indonisiya "oo ku saabsan hanjabaad bam uu qof aan la aqoonsan uu soo diray boostada elektarooniga ah". Emailka oo dhacay 7:30-ilaa am 8.30-am, wakhtiga Singapore) ayaa waxa ku jiray hanjabaad ah in la “Qarxiyo” Diyaaradda Saudia Airlines ee duulimaadkeedu yahay SV 5276, taas oo ka soo duushay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, kuna sii jeeday caasimadda Indonisiya ee Jakarta, ayaa lagu yiri bayaan. Ka dib 10-kii subaxnimo ayuu duuliyihii diyaarada ka weeciyay diyaaradii ey ku socotay garoonka caalamiga ah ee Soekarno-Hatta ee magaalada Jakarta una weeciyey Garoonka Caalamiga ah ee Kualanamu ee magaalada Medan oo ah magaalo ku taal Jasiirada Sumatra ee Galbeedka Indonisiya. Diyaaradda ayaa siday 442 Xujaay ah oo ey ku jireen 207-Rag ah iyo 235-Dumar ah, ayay raacisay. "Markii la aqoonsaday khataraha amniga iyo ammaanka, duuliyuhu wuxuu go'aansaday inuu u weeciyo kasoo degista garoonka diyaaradaha ee ugu dhow," ayuu yiri InJourney Airports, oo ah maamulaha garoonka Indonisiya. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in diyaaradda ey weli ku sugan tahay magaalada Medan, waxaana Flightradar24 ey soo bandhigtay diyaaradda halkaas. Garoonka diyaaradaha ayaa laga daadgureeyay Xujeyda, waxaana qeybta ka hortagga bambaanooyinka ey diyaaradda ku xaaqday Walxaha Qarxa, sida ey Hay’adda Duulista ku sheegtay qoraalkeeda. Agaasimaha Isgaarsiinta Shirkadda Diyaaradaha Sacuudiga Eng.Cabdalla AL-shahraani ayaa sheegay in diyaaradda ka degtay Indonisiya kuna degtay si nabad ah,waxa uuna intaas raaciyey in rakaabkii oo dhan iyo shaqaalihii si nabad ah looga daad gureeyey.

ISHA-CNA.

Previous
Previous

HORJOOGE SARE OO ALSHABAB AH OO U GEERIYOODAY DHAAWAC SOO GAARAY.

Next
Next

KULANKA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO U BAAQDAY KOORAM LA’AAN.