KULANKA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO U BAAQDAY KOORAM LA’AAN.

(SAWIRKA)-GUDOOMIYE ABSHIRAW.

(MUQDISHO)-Kulanka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan,  waxaana soo xaadiray 87 xildhibaan oo kaliya, iyadoo kooramka kulanka uu ahaa in fadhiga soo xaadiraan ugu yaraan 139 mudane, inkastoo xildhibaanada maalmihii ugu dambeeyay ey fasax ku maqnaayeen. Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa ugu baaqay Xildhibaanada maqnaa  ee aan soo xaadirin kulankii maanta iney xil iska saaraan waajibaadkooda Dastuuriga ah oo ey waqti hore soo xaadiraan fadhiyada si Goluhu go’aano uga gaaraan howlaha muhiimka ah ee horyaala.“Waxaa nasiib darro ah in marar badan uu dib u dhac ku yimaado shaqadii Golaha Shacabka sababo la xiriira maqnaanshaha Xildhibaano aan muujin xilkasnimo, waxaan mar kale ugu baaqayaa dhamaan Xildhibaanada aan joogin ee ku maqan dalka dibadiisa iney si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho, eyna waajibaadkooda gutaan oo ey si joogto ah uga soo qeybgalaan fadhiyada Golaha” ayuu yiri Guddoomiye Abshirow. Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii xildhibaanada aaney kulanka ka soo qayb gelin Arbacada, ey yeerin doonaa, si loo ogaado xildhibaanada fadhiyada ka maqan kuwa ey yihiin. Ajandaha maanta ee kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad iyo Codeynta Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta,waxaa kaloo maanta la dhaarin lahaay laba xildhibaan oo cusub oo hadda ku soo biiray Golaha shacabka ee BJFS. Hadalka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa imaanaya, iyadoo marar badan sidaan oo kale ey u baaqdeen kulamada Golaha Shacabka kooramkii loo baahnaa inuu ku furmo. Shalay ayey ahayd markii Guddiga Joogtadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey yeesheen kulankoodii caadiga ah iyagoo ku kulmay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ey wehliyaan Guddoomiye Ku-Xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay dib u bilaabida howlaha Golaha ka dib markii laga soo laabtay fasax kooban oo ahaa maalmihii Ciida iyo gudashada waajibaadka Xajka, waxa uuna xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha Golaha iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruucda agtaala Golaha inta ka harsan kalfadhiga lixaad. Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa laga dhageystay guddi walba shuruucda agtaala iyo habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha, waxaana sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ey ka doodeen Jadwalka Ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socdo.

ISHA-SNTV.


Next
Next

GOGOSHA WADATASHIGA QARAN OO FURANTAY.