GOGOSHA WADATASHIGA QARAN OO FURANTAY.

(SAWIRKA)-MADASHA WADATASHIGA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo Mustaqbalka Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan, Adkaynta Midnimada Qaranka, Dhamaystirka Dastuurka, Hannaanka Doorashooyinka, Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo Xoojinta Dowladnimada. Madaxweynaha ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay dadaalka joogtada ah ee dowladda ey ku bixisay hirgelinta nidaam doorasho oo toos ah, kaasoo shacabka Soomaaliyeed ey si buuxda ugu dooranayaan hoggaankooda, waxa uuna xusay in dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafidba, ey ku mideysan yihiin in aan dib loogu noqon hannaankii doorashada dadban ee dhaawacay hufnaanta iyo dimuqraadiyadda doorashada. "Gogoshan waxay muujinaysaa sida aan mudnaanta u siinayno dhagaysiga aragtiyaha kala duwan ee la xiriira dowladnimada. Annagoo dowladdii ah ayaa raadinayna wada hadal iyo wadatashi, taasoo waagii hore laga la'aa hoggaanka dalka iyo dowladda. Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalku wuu furan yahay, cid walbana waa lagu casumay iney ka qeybgasho dhismaha geeddi-socodka dowladnimo ee eynu hiigsaneyno.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in saaxiibbada caalamiga ah ey Soomaaliya ka taageereen wixii karaankooda ah, hase yeeshee mas’uuliyadda dhammaystirka dowladnimada ey si gaar ah u saaran tahay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed. “Caalamka wuu naga taageeray wixii aan u baahnayn, balse waxaa harsan shaqo inaga inoo taalla waana in eynu Soomaali ahaan si dhab ah isula meel dhigno aayaha dalkeenna,” Dhankaooda, Madaxdii Hore ee Qaranka, masuuliyiin heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed, haldoorka Soomaaliyeed ee ka qeybgalay madasha iyo culimada ayaa ka hadlay doorka ey ku leeyihiin hirgelinta aragti mideysan oo ku saleysan wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, iyagoo muujiyey sida ey uga go’an tahay iney taageeraan dadaallada Dowladda ee ku aaddan dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, taas oo saldhig u noqota nabad, cadaalad iyo horumar waara. Gogosha oo maanta furantay ayaa waxaa hadalka bilaabay gudoomiyaha Gudiga Qabqaabada Gogosha Md.Wasiir Xasan Macallin, Wasiirka ayaa sheegay in Gogosha ey fidsanaan doonto muddo dhan seddex maalmood kana bilaabatay maanta oo Isniin ah kuna beegan 16/6/2025-ka, Ajandaha Gogosha ayaa lagu sheegay inuu yahay (1)-Midnimadda dalka. (2)-Amniga. (3)-Dastuurka. iyo (4)-Doorashooyinka dalka. Waxaane hadalkii furitaanka ahaa jeediyey Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud,waxaane hadalkii qaatay Gudoomiyaha Culumaa’udiinka Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo codsaday in dalka loo dhiso Maxkamadda dastuuriga ah. Waxaane hadalkii qaatay Reysal Wasaarihii hore ee dalka Md.Cali Geedi Maxamed,Gudoomiyaha Bulshada Rayidka ah Shaatax.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

KULANKA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO U BAAQDAY KOORAM LA’AAN.

Next
Next

IRAAN OO XABSIGA DHIGTAY BASAASIIN U SHAQEYNAYEY ISRA’IIL.