IRAAN OO XABSIGA DHIGTAY BASAASIIN U SHAQEYNAYEY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-TEL AVIV.

TEHRAN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Iraan ee Tehraan ayaa sheegaayo in Xukuumadda Iraan ey xirtay tobanaan qofood oo isugu jira kuwa wax cuuryaaminayey iyo basaasiin lala xiriirinaayo Isra’iil tan iyo markii uu bilwday dagaalka labada dal Jimcihii la soo dhaafay,sidaas waxaa maanta oo Isniin ah sheegtay Warbaahinta dawladda Iraan. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo booliska dalka Iraan ey Axadii shalay ahayd ku dhawaaqeen iney qabteen laba xubnood oo ka tirsan unugyada Sirdoonka Isra’iil ee Mossad, waxaane lagu qabtay Gobolka AL-Baraz ee dhaca Waqooyi dalka Iraan.

SAMEYNTA BAMBOOYIN IYO WAXYAABAHA QARXA:

Bayaan uu soo saaray booliska ayuu ku cadeeyey “dadaalka iyo juhdiga ey bixisay Waaxda Sirdoonka Booliska ee Gobolka AL-Baraz ayaa sababtay in gacanta lagu soo dhigo laba xubnood oo ka mid ah unugyada Mossad kana hawlgala Gobolka AL-Baraz”. Bayaanka ayaa intaas raaciyey in labada qofood ee la qabtay ey “ku lug lahaayeen Sameynta Bambooyinka iyo Walxaha Qarxa iyo qalab Elektaroonig ah oo yiilay meel qarsoodi ah oo ku taalo aaga Saafojibla’a”,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Tasnem ee ku dhaw Xukuumada Iraan. Hayadda Sirdoonka ee Ilaaladda Kacaanka Iraan ayaa sabtidii ka digtay in iskaashi kasta oo Sirdoon oo lala yeesho Sirdoonka Isra’iil ee Mossad, ama xiriir lala sameeyo shaqsiyaad lala xiriirinaayo iney ku xiran yihiin Isra’iil iney tahay dembi culus lana marsiin doono sharciga si loo ciqaabo,waxaa kaloo bayaan lagu sheegay in dadka looga digay iney fuliyaan dhaqdhaqaaqyo dhaqan,Warbaahin ama borobogando ah mid Isra’iil lagu taageeraayo. Dhinaca kale,dawladda Iraan ayaa magaaladda Yazid ee dhacda bartamaha dalkaasi ku xirtay shan qofood oo lagu eedeeyey iney sawiro qaadeen iyo iney la shaqeynayeen Isra’iil. Tani waxa ey timid ka dib markii Isra’iil baahisay Jimcihii la soo dhaafay muuqaalo muujinaayo Wakiiladda Sirdoonka Isra’iil ee Mossad ey ku sugan yihiin gudaha dalka Iraan kuwaaso dhulka soo dhigay Diyaadaha aan Duuliyaha lahayn ee ku wajahan goobaha Mileteriga Isra’iil. Iraan iyo Isra’iil ayaa isweydaarsaday weeraro dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, ka dib markii Tel Aviv ey dhawr jeer dil ku fulisay Hogaamiyeyaal sare oo Mileteri iyo 14-Saynisyahanno oo ku takhasusay Cilmiga Nukliyeerka taaso muujineysa jab weyn oo dhanka Sirdoonka ah.

ISHA-AA.

Previous
Previous

GOGOSHA WADATASHIGA QARAN OO FURANTAY.

Next
Next

AGAASIMAHA NISA MAHAD SALAAD OO SAMEEYEY MAGACAABIS.