AGAASIMAHA NISA MAHAD SALAAD OO SAMEEYEY MAGACAABIS.

(SAWIRKA)TALIYEYAASHA CUSUB.

(MUQDISHO)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa sameeyay isbeddello culus oo ku saabsan qaar ka mid ah Talisyada Hay’adda, taasoo si gaar ah u taabaneysa talisyada muhiimka ah sida Gobolka Banaadir, Garoonka Aadan Cadde, iyo Taliska Ilaalada Shacabka iyo Hawlgaladda. Isbeddelladan ayaa imaanaya xilli uu Agaasimaha NISA dib u soo celinayo saraakiil uu si dhow ula soo shaqeeyay intii uu xafiiska joogay labadii sano ee la soo dhaafay.

TALIYEYAASHA LA MAGACAABAY WAXAA KA MID AH:-

Kaaliyaha Agaasimaha NISA: Waxaa loo magacaabay Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere)sawirka dhexda. Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, Waxaa xilka laga qaaday Cabdifitaax Shaweey, waxaana lagu beddelay Liibaan Axmed Gacameey(sawirka hoose midig). Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde, Cabdulqaadir Xaayow ayaa xilka laga qaaday, waxaana dib loogu soo celiyay Hamdi Xasan, oo horey u soo qabatay xilkan. Taliyaha Ilaalada Shacabka ee loo yaqaano (Dharcada) Waxaa xilka laga qaaday Ibraahim Hiraabe, waxaana loo magacaabay Macallin Salaax(sawirka kor midig) oo horey u soo qabtay xilkan. Sidoo kale Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa Raage Ali Mohamed u magacaabay Agaasimaha Howlgalada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugida Qaranka ee NISA(sawirka kor dhexda). Tallaabadan ayaa loo arkaa in Agaasimaha NISA uu kalsooni ku qabo shaqsiyaadka cusub iyo kuwa dib loo soo celiyay, waxaana Isbeddelladan ey imaanayaan xili uu dalka ku jiro marxalad siyaasadeed oo cakiran iyo dagaalka maleeshiyaadka AL-shabaab oo weli socda. Waxaa la filayaa in isbeddelladan ey wax ka beddeli doonaan habka ey u shaqeyso NISA, iyadoo diiradda la saarayo sugidda Ammaanka Garoomada, Shacabka, iyo Guud ahaan Gobolka Banaadir.

ISHA-RISAALA.

Next
Next

DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY GOGOSHA MW-XASAN.