DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY GOGOSHA MW-XASAN.
(SAWIRKA)-MUCAARADKA IYO MW-XASAN.
(MUQDISHO)-Waxaa maalinta berri ah oo ku beegan 16-ka bishaan Juun ka furmaayo magaalada Muqdisho Gogoshii uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Shirka ayaa waxaa ka qayb gelaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha Dalka iyo dibadda, waxaana dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyey ku jira diyaar garawga gogasha oo ey wadaan guddi gaar ah oo xukuumaddu u saartay taabagalinta shirka, sida ey sheegtay dowladda Soomaaliya. Gogoshaan ayaa Madaxda Qaranku waxa ey wadatashi la yeelanayaan indheergaradka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, sida Midnimada dalka, Amniga, Dastuurka iyo Doorashada. Maanta ayuu qorshuhu ahaa in la qabto shirka, inkastoo uu maanta baaqday, lamana oga in xubnaha ka qeyb geli doono shirka iyo qodobada xasaasiga ah ee laga doodi doono. Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka horyimid shirka, iyagoona shuruud ka dhigay in la cadeeyo Anjedaha shirka looga hadlayo iyo shirkana la keeno maamulada Puntland iyo Jubbaland. In shirka uusan qabsoomin maanta oo Axad ah kuna beegan ayaa lagu fasiray iney u sabab tahay wada hadallo u socdo DFS iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxada Samatabixinta oo hadda Mucaarad ku ah DFS. Dawlad Goboleedka Puntland oo horay u cadeysay mawqifkeedka la macaamilka DFS ayaa sheegtay ineysan ka qeybgeli doonin shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud. Dhinaca kalane, waxaa isa soo taraayo dadaalka ey kooxda C6+ ugu jirto sidii uu u fashilmi lahaay shirka berri ka dhacaayo Muqdisho,kooxda C6+ ayaa xiriir toos ah oo khadka Zoomka ah waxa ey la kala sameeysay maamuladda Jubaland iyo Puntland kuwaaso si aad ah uga soo horjeedo DFS. In Kooxda C6+ lugta Jiido DFS waxa ey u dan tahay iyaga iyo inta kale ee doonaaya in Soomaaliya ineysan ka tahsan aayaheeda iskuna taagin lugaheeda,waxayn mar walba isku dayaan iney jilaafaan dawlad kasta uu yeesho dalka Soomaaliya iyagoo soo kaashada kuwa iyaga u adeega oo Soomaali ah.
ISHA-SB-MEDIA.