SUURIYIIN DADKA TAHRIIBIYO OO LA SOO QABTAY,DALALKEE?

(SAWIRKA)-ASKARTA JARMALKA.

(GERMANY)-Dawladda ayaa wadar ahaan shan qof ku xirtay Xabsiyada Jarmalka, Netherland iyo Bosnia Herzegovina, ka dib howlgal qorsheysan oo ka dhan ah koox la sheegay iney dadka Tahriibiyaan. Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa sheegay in shaqsiyaadka la xiray lagu eedeeyay iney qeyb ka ahaayeen koox Burcad ah oo Muhaajiriin Suuriyaan ah u Tahriibisa Yurub. Hawlgalka booliiska ee dhacay Arbacadii (August 6) ayaa waxaa iska kaashaday Hay'adaha ka hortagga Dembiyada ee Midowga Yurub (Europol) iyo Eurojust, sida ey sheegeen mas'uuliyiinta Jarmalka. Saddex qof ayaa lagu xiray dalka Bosniya , halka labada kalena lagu kala xiray dalalka Jarmalka iyo Netherlands, siday u kala horeeyaan. Booliska Jarmalka ee ku sugan magaalada Bavaria ayaa sheegay in dhammaan shanta qof ee la tuhunsan yahay ey u dhasheen dalka Suuriya, kuwaasoo da’doodu u dhaxayso 26 ilaa 37- jir. Saraakiisha ayaa intaa ku daray in lagu eedeeyay iney keeneen dalka Jarmalka iyo dalalka kale ee Yurub tan iyo 2021 ugu yaraan 500 oo qofood. Baarayaashu si kastaba ha ahaatee waxay ku dareen iney rumeysan yihiin "Tirada dhabta ah ee kiisasku iney aad uga badan yihiin" 500. "Ururka laftiisa ayaa sheegay in sannadkii 2022 ey u tahriibinayeen ilaa 480 qof maalin kasta dalka Jarmalka iyo Yurub," bayaan rasmi ah ayaa lagu sheegay sidaas.

KU DALACASHADDA KUMANAAN KUN OO YUURO SOOGALOOTIGA:

Booliska Jarmalka ayaa sidoo kale baaritaan ku sameeyay saddex guri oo ku yaalla galbeedka magaalada Dortmund iyo Bochum, iyadoo weerarkan uu qeyb ka ahaa, iyadoo booliiska Holland ey baarayeen hanti ku taalla magaalada Houten ee gobolka bartamaha dalka Holland. "Waxaa la soo qabtay cadeymo badan oo ey ku jiraan taleefannada casriga ah iyo gaadiidka loo adeegsaday fal-dembiyeedka, iyo sidoo kale tiro yar oo maandooriye ah," ayaa lagu daray qoraalka. Sida laga soo xigtay baaritaano horudhac ah, kooxda dambiilayaasha ah ayaa la rumaysan yahay iney ku soo dallaceen ilaa 4,500 oo Yuuro qofkiiba safarkooda, ururinta ugu yaraan 1.4 Milyan oo Yuuro intii u dhaxaysay 2022 iyo 2025. Mukhalasiinta ayaa loo malaynayaa in inta badan ey isticmaaleen waxa loogu yeero dariiqa Balkanka ee loo maro Midowga Yurub.

BURCADA AYAA LA RUMAYSAN YAHAY INEY MICIIN BIDEEN 'RABSHO JIREED OO DARAN'

Sida laga soo xigtay Eurojust, kooxdan burcadda ah ayaa sidoo kale la rumeysan yahay iney "dib u sameeyeen rabshado jireed oo daran" iyaga oo isticmaalaya qalab isgaarsiineed oo casri ah si ey u fududeeyaan Socdaalka Muhaajiriinta aan caadiga ahayn. Baaritaanka kooxdan burcadda ah ayaa lagu dhisay xog la helay intii lagu jiray howlgalo caalami ah oo dhacay bilihii Oktoobar iyo Noofambar 2024, kaasoo sababay in 29 la xiro.

ISHA-IM.

Previous
Previous

BOOLISKA WEST VIRGINIA EE MARAYKANKA OO TOOGTAY NIN WATAY MINDI.

Next
Next

NORWAY AYAA RWANDA U GACANGELIYEY FRANCOIS GASANA.