NORWAY AYAA RWANDA U GACANGELIYEY FRANCOIS GASANA.
(SAWIRKA)-FRANCOIS GASANA.
(KIGALI)-Dalka Norway ayaa Jimciha maanta ah waxa uu dalka Rwanda u gacangeliyey nin looga shakisan yahay Xasuuqii Tutsiga ee dhacay sannadkii 1994-kii, kaasoo galaaftay nolosha in ka badan hal Milyan oo qofood una badan Qowmiyadda Tutsiga. Francois Gasana oo loo yaqaan Franky Dusabe oo muddo ku noolaa dalka Norway ayaa subaxnimadii Jimcaha ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada caasimadda ah Kigali ee dalka Rwanda,halkaasoo ey ku wareejiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Xeer Ilaalinta Qaranka Rwanda (NPPA). "Xeer Ilaalinta Qaranka ee Rwanda(NPPA) waxay ku ammaanaysaa mas'uuliyiinta Garsoorka Boqortooyada Norway dhiibista dadka baxsadka ah ee geystay Xasuuqa, wadashaqeynta joogtada ah ee Arrimaha Gargaarka sharciga ah, iyo ka qayb qaadashada dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo isla xisaabtan la'aanta," Xeer Ilaalinta Qaranka Rwanda(NPPA) ayaa ku tiri hadal ey soo saartay. Sida bayaanku sheegay, sannadkii 2007, Maxkamadda Nyange Gacaca waxay ku xukuntay Gasana, waxayna ku xukuntay 19-sano oo xarig ah, sababtoo ah doorkii uu ku lahaa dembiga Xasuuqa. Waxaa lagu xiray caasimadda Norway ee Oslo bishii Oktoobar 2022 ka dib baaritaan ballaaran oo ey sameeyeen Waaxda Dembi Baarista Norway. Bishii Sebtembar 2023, Maxkamadda Oslo ayaa xukuntay in loo gacan geliyo dawladda Rwanda. Gasana wuxuu racfaan ka qaatay go'aanka, laakiin Abriil 2024, Maxkamadda racfaanku waxay taageertay xukunka. Racfaan dheeri ah oo loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee June 2024 ayaa sidoo kale la diiday. ■
ISHA-INDEPENDENT.