KOOXDA ALSHABAAB OO LAGA XUREEYEY DEGAANKA BARIIRE.
(SAWIRKA)-CIIDANKA GAARK AH.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo Gobolka Shabeeladda Hoose ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo Ciidamadda Difaaca Shacabka ee Ugaandha(UDPF) ey galabta si buuxda ey ula wareegeen gacan ku haynta magaaladda Istaraatiijiga ah ee BARIIRE ee Gobolka Shabeeladda Hoose ka dib markii uu dhacay dagaal culus oo socday muddo todobaada ah. Hawlgalka Bariire oo qeyb ka ah dagaalka lagu ciribtiraayo kooxda Argagixisada ALshabaab ayaa lagu dilay ilaa 100-Maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Argagixisada ALshabaab una badan Caruur ey da’adoodu ka yar tahay 15-jir,halka gacanta lagu soo dhigay Maxaabiis nool oo ALshabaab ah kuwaaso ey ka wada muuqato dhibaato nololeed. Saraakiisha hogaamineysay hawlgalka kooxda ALshabaab looga xureeyey degaanka Bariir ayaa hadda wada nadiifin haraaga kooxda Alshabaab ee degaanka Bariire iyo degaanadda ku hareereysan. Dhinaca kale Ciidamadda fuliyey hawlgalka ayaa gacanta ku soo dhigay Hub fara badan iyo saanad ey kooxda Argagixisada ALshabaab u adeegsan jirta Amni daridda Gobolka Sheballadda hoose iyo Gobolka Banaadir. Taliyaha Guutada 17-aad ee Ciidamadda Gaarka ah ee Gor-Gor G/Le.Cali Cageey oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda ayaa sheegay in kooxda Argagixisada ALshabaab loo geystay jab aad u xoogan,weline meydadkoodii ey yaaliin halkii lagu dagaalamay,taliyaha ayaa xusay tirada Maxaabiista kooxda Argagixisada ALshabaab ee la qabtay iyagoo dagaalamaya waane ilaa 4-Maxbuus,mid ka mida Maxaabiista ALshabaab ee la qabtay kaaso da’adiisu ey aad u yar tahay ayaa sheegay in laga keenay Gobolka Gedo tiradoodane ahayd ilaa 300-Maleeshiyo si ey uga dagaalamaan degaanka Bariire ee Gobolka Shabeeladda Hoose,mar wax laga weydiiyey ragii isaga la socday ayuu sheegay iney kala carareen qaarne ey dhinteen.
ISHA-SNA.