DALKA SWEDEN OO SOOMAALIYA U SOO TARXIILAY SIDEED QOFOOD.
(SAWIRKA)-QAXOOTI SOOMAALIYEED.
(SAWEDEN)-Wararka laga helaayo dalka Sweden ayaa sheegaayo in dawladda Sweden ey dalkeeda dhawaan ka masaafurisay sideed qofood oo Soomaali ah,waxa eyna isu diyaarineysaa iney dalkeeda ka musaafuriso 15-kale,iyadoo dawladda Sweden ey fulineyso Siyaasadeedii ugu adkeed ee dhinaca socdaalka ah muddo tobonaan sano ah. Hogaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ayaa ka digay in dib u celinta dadkaan Soomaaliyeed ey keeni karto khatar aad u weyn. 15-ka qof ee kale ee la qorsheeyey in la tarxiilo ayaa hadda ku jira Xabsiyadda dalka Sweden. Waxaa ka mid ah dadkaasi kuwa aan loo cusbooneysiin sharciga deganaanshiyaha dalka Sweden iyo megengalyo doono mararka qaarkood sugaayey ilaa toban sano go’aan ayuu yiri Yoonis Khaliif oo ka mid ah Ururka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden. “Ku dhaqaaqidda Tarxiilka ayaa ah mudnaanta dawladda cusub ee dalka Sweden”ayuu yiri Khaliif oo u hadlaayey Idaacadda BBC-da. “Dadka ey dhibaatada saameeysay waxaa ka mid ah dad waa weyn,Caruur iyo dhallinyaro kuwaaso qaar badan oo iyaga ka mid ah ey shaqeeyaan eyna bixiyaan Canshuurta Dawladda Sweden hadane lumiyey xuquuqdii ey ku joogi lahaayeen dalka Sweden”. Wakiiladda Jaalliyadda ayaa qorsheynaya iney la kulmaan Safaaradda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay caasimadda Stockholm si ey uga wada hadlaan arrintaan Tarxiilka,waxa eyna durba walaac weyn ka muujiyeen Madaxda dalka Sweden. Khaliif ayaa xusay in dawladii hore ee Sweden ey ahayd mid aad ugu furfuran codka dadka Soomaaliyeed,balse maamulkaan hadda jira uu qaatay mawqif aad u adag. Tan iyo markii uu Isbahaysiga Reysal Wasaare Ulf Kristersson uu xafiiska la wareegay sannadkii 2022-kii kaaso ey taageerayaan kuwa garabka Midig iyo Xulafadda ka soo horjeeda Socdaalka Sweden waxay xoojiyeen sharciyadda megengalyadda waxayna yareeyen qaadashada Qaxootiga. Sannadkii 2024-kii kaliyah 6,250-megengalyo doon ah ayaa helay deganaansho,taaso ah 42% hoos u dhac ku yimid qaabilaada Megengalyo doonka marka loo fiiriyo sannadadii ka horeeyey amaba 40-sano ku dhawaad. Dawladda Sweden ayaa ku doodeysa in isbedeladaan loo baahan yahay si loo maareeyo cadaadiska Miisaaniyadda. Si kastaba ha ahaatee,dadka dhalliila sida Khaliif ayaa sheegay in sababaha dhaqaale eysan ahayn marmarsiiyo lagu tarxiili karo dad muddo dheer degaany dalka Sweden waxna u soo kordhiyey bulshada. Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo in dadka lagu celiyo Soomaaliya ey la kulmi karaan qatar aad u weyn taaso ey horay uga soo carareen, eyna ugu horeyso qalalaasaha Siyaasadeed, Colaadaha Socda iyo in kooxaha xagjirka ah ey u qafaalaan dagaaladda ey kula jiraan DFS iyo xoogaga AUSSOM. “Dalka Soomaaliya ayaa ah mid aan weli xasilooneyn,kooxaha xagjirka ahne ey u sahleyso iney ka faa’iideystaan” ayuu yiri Khaliif. Dhallinyarada dib loogu celinaayo Soomaaliya waxaa ku adkaan doonto iney helaan shaqooyin waxa eyna ku sii sugnaan doonaa dayac,dhallinayaradaan ayaa ah kuwa ku soo tahriibaya dhulka saxaraha ah si ey u helaan badbaado, nasiib darrase waxaa dib loogu celiyey fawdadii iyo dhulkii ey ka soo carareen ee Soomaaliya, DFS waxaa ku waajib ah iney si taxadar leh uga fiirsataa cawaaqibta ka dhallan karta.
ISHA-WARYA.