DANJIRE C/XAKIIM MAXAMED OO QAABILAY HOGAAMIYAHA REER KOOFUREEDKA.

(SAWIRKA)SAFIIRKA SOOMAALIYA EE YEMEN.

(ADEN)-Xubin ka tirsan Golaha Hoggaaminta Madaxweynaha Yemen, Ceydarus AL-Zubaydi, ayaa ka digay khatarta sii kordheysa ee wadashaqeynta u dhexeysa Maleeshiyada Xuutiyiinta, Dhaqdhaqaaqa AL-Shabaab ee Soomaaliya iyo AL-Qaacida. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in isbaheysigan aan la shaacin uu halis ku yahay ammaanka iyo xasilloonida gobolka oo dhan, wuxuuna ku baaqayaa in la xoojiyo iskaashiga amniga iyo sirdoonka ee dalalka gobolka. Intii lagu guda jiray kulankii Khamiista uu magaalada Cadan kula yeeshay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Yemen, Cabdulxakiim Maxamed, ayuu AL-Zubaydi, xaqiijiyay in xogta ammaanku ay muujinayso kordhinta iskaashiga hawlgallada iyo saadka ee Xuutiyiinta iyo kooxaha Argagixisada ah, oo ay ku jiraan AL-Shabaab iyo Al-Qaacida, ujeeddaduna tahay in lagu wiiqo ammaanka Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo Geeska Afrika. Waxa uu intaasi ku daray “Waxa aan maanta arkayno waa iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Maleeshiyada Xuutiyiinta iyo Ururada Rabshadaha iyo Xag-jirka ah ee Gobolka, Isbahaysigan, haddii aan laga hortagin, waxa ay khatar dhab ah ku noqon doontaa Ammaanka Gobolka iyo Caalamka, gaar ahaan isu-socodka Baddaha Caalamka. AL-Zubayidi waxa uu ku baaqay in la kordhiyo isuduwidda amniga ee Yemen iyo Soomaaliya si looga hortago khatarahaas, loo sugo marinnada istaraatiijiga ah ee badda, iyo joojinta tahriibka, budhcad-badeedda, iyo kala iibsiga hubka ee u adeegaya ajendaha qalalaasaha ee gobolka. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha socdaalka sharci darrada ah ee Geeska Afrika, iyadoo xubin ka tirsan Golaha Hoggaanka Madaxweynaha Yemen uu si weyn uga xumaaday dhacdadii naxdinta lahayd ee ka dhacday Xeebta gobolka Abyan ee koonfurta dalkaas, ka dib markii ay degtay doon ay la socdeen tobaneeyo qof oo tahriibayaal ah. AL-Zubayidi waxa uu sharaxay in masiibooyinkan ay u baahan yihiin in qof kastaa uu guto waajibaadkiisa bini’aadantinimo iyo kan amniga oo uu ka shaqeeyo sidii loo samayn lahaa xal deg deg ah oo waara si loo yareeyo dhibaatada qaxootiga loogana hortago ka faa’iidaysiga shabakadaha tahriibinta iyo ururada xagjirka ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo isku-duwidda dalalka Geeska Afrika si loo xoojiyo la socodka xeebaha iyo dekedaha, in la sameeyo xarumo bini'aadantinimo oo ku meel gaar ah si loo qaabilo Qaxootiga loona siiyo ilaalin sharci ah si waafaqsan heerarka caalamiga ah.

ISHA-AA.

Next
Next

SEDDEX DHAGAR QABE OO KA TIRSAN ALSHABAAB OO DIL LAGU FULIYEY.