SEDDEX DHAGAR QABE OO KA TIRSAN ALSHABAAB OO DIL LAGU FULIYEY.

(SAWIRKA)-WEJIYADA DHAGAR QABAYAASHII MAANTA LA TOOGTAY.

(MUQDISHO)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u fulisay xukun dil toogasho ah oo horey loogu ridday saddex eedeysane oo lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal Qorsheysan, iyo ka mid ahaanshaha kooxda Argagixisada ALshabaab.

Ragga la toogtay ayaa kala ahaa:

  • Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed(Yaxye).

  • Cabdi Xassan Rooble (Afeey)

  • Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka)

(1)-Qudaama oo magaca afgarashadiisu tahay Yaxye,ayaa waxaa soo qabtay shacabka degmada Kaaraan ee G/Banaadir ka dib markii uu soo dilay marxuum la oran jiray Shuuke Cadaawe Maxamed kana mid ahaa shacabka degmada Kaaraan taariikhdu markeey ahayd 19/10/2022-kii, waxaane dhagar qabe Yaxye dilka Shuuke ku wehlinaayey Axmed Cali Sahal Maxamud oo ku geeriyooday Xabsiga dhexe ee Xamar ka dib markii uu isku dayey inuu ka baxsado Xabsiga taariikhdu markeey ahayd 13/7/2024-kii. Dhagar Qabe Yaxye ayaa sidoo kale soo dilay Dr.Cismaan Cabdi Macallin Yuusuf kaaso ahaay takhatar soo bartay cilmiga caafimaad dadka, dilka Dr.Cismaan ayaa ka dhacay degmada Y/shiid ee G/Banaadir Taariikhdu markeey ahayd 17/3/2022-kii. Dhagar Qabe Yaxye ayaa sidoo kale dilay Marxuum la oran jiray Cabaas Cali Maxamud kana tirsanaay CXDS,dilka ayaana dhacay taariikhdu markeey ahayd 8/12/2021-kii, waxa uuna ka dhacay xaafadda Suuqa-Xoolaha ee degamada Y/shiid ee G/banaadir. Maxkamadda CQS ayaane Yaxye dil toogasha ah waxa ey ku xukuntay taariikhdu markeey ahayd 17/1/2023-kii. (2)-Cabdi oo magaca afgarashadiisu yahay Afeey ayaa ka soo qeybgalay dhawr weerar oo lagu qaaday fariisimadda ciidamadda DFS ey ku leeyihiin Gobolada Gedo iyo Sh/hoose. Afeey ayaa loo soo bedelay inuu ka hawlgalo caasimada Muqdisho si uu uga fuliyo dilalka Qorsheysan iyo Qaraxyada,waane ninkii gacantiisa ku dilay marxuum Cali Maxamed Xasan”Cali Gaab” oo ka tirsanaay hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka ee XFS, dilka ayaa ka dhacay Waaxda Xaawa Taako ee degmada Wadajir ee G/Banaadir taariikhdu markeey ahayd 20/2/2022-kii. Maxkamada CQS ayaa Afeey ku xukunta dil toogasha ah taariikhdu markeey ahayd 22/6/2022-kii. Dhagar Qabe Ibrahim Cumar Shamcuun, magaciisa afgarashadana uu yahay (Hubka),ayaa maalin Ramadaan ah taariikhduna ey ahayd 24/4/2022-kii waxa uu dilay marxuumiinta kala ah Qaasim Axmed Abukar iyo Cismaan Cabdaw Cumar,labadanaan marxuum ayaa ka mid ahaa Ganacsatada degmada Afgooye ee G/shabeeladda Hoose,isla Hubka ayaa soo sahmiyey falkan dilka ah ee lagu khaarijiyey marxuumiinta. Hubka ayaa dil toogasha ah lagu xukumay maanta oo khamiis ah kuna beegan 7/8/2025-ka. Seddexdaan Dhagar Qabe ayaa ahaay kuwa soo laayey dad fara badan haba ugu sii darnaadee Yaxye oo soo dilay ilaa seddex qofood uu ku jiro takhtar.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

DANJIRE C/XAKIIM MAXAMED OO QAABILAY HOGAAMIYAHA REER KOOFUREEDKA.

Next
Next

JARMALKA IYO MIDAWGA YURUB OO ISKU MARI LA’A DADKA SOO GALOOTIGA AH.