BOOLISKA WEST VIRGINIA EE MARAYKANKA OO TOOGTAY NIN WATAY MINDI.
(SAWIRKA)-PETER DELNARDO LILLY.
(WEST VIRGINA)-Booliiska gobolka West Virginia ee dalka Maraykanka ayaa toogasho ku dilay nin mindi sitay qolka Gargaarka deg dega ah ee cisbitaalka ka dib markii uu weeraray qof shaqaale ah subaxnimadii hore ee jimcaha, sida ey masuuliyiintu sheegeen. Toogashada ayaa dhacday abbaare 1:45 subaxnimo ka dhacday Isbitaalka Guud ee Xarunta Caafimaadka ee Charleston, sida uu shir Jaraa’id ku sheegay Taliyaha Booliska Scott Dempsey. Tuhmanuhu waxa uu soo galay qolka Gargaarka deg dega ah wax yar ka dib saqdii dhexe ee xalay isagoo raadinaya daawayn dhaawac aan la garanayn. Wuxuu bilaabay inuu u dhaqmo si qaldan, wuu qeyliyay oo wuxuu noqday mid gardarro ku ah dadka kale. Ninka ayaa ugu dambeyntii ka soo baxay musqusha isagoo wata mindi, wuuna la dhacay dadka kale, waxa uu dhaqaajiyay miisadaha qolka ayuu ku buufiyay qalabka debka lagu demiyo, ayuu yiri Dempsey. Kuwo kale oo ku jira qolka Gargaarka deg dega ah "waxay isku dayayeen iney xaaladda dejiyaan, laakiin sida iska cad ma shaqaynayn. Marna waxay ahayd iney naftooda ilaashadaan iyagoo nabad gelya," ayuu yiri Dempsey. Markii askari meesha yimid uu ku amray tuhmanaha inuu tuuro mindida, ninku wuxuu galay wiishka wuxuuna bilaabay inuu weeraro shaqaale ka hor inta uusan askarigu toogan tuhmanaha. Eedeysanaha ayaa dhulka ku dhacay, waxaana markii dambe la sheegay inuu dhintay. Shaqaaluhu ma dhaawacmin, ayuu yiri taliyuhu. Booliska ayaa markii dambe magaca ninkaasi ku sheegay Peter Delnardo Lilly, oo 46 jir ah, una dhashay magaalada Charleston. Qolka Gargaarka deg dega ah ayaa la xiray qiyaastii laba saacadood ka dib, afhayeenka isbitaalka Dale Witte ayaa bayaan ku sheegay.
ISHA-AP.