MARAYKANKA MA AQOONSAN DOONAA SOMALILAND?

(SAWIRKA)-CALAMADA MARAYKANKA IYO SOMALILAND.

(BOSTON)-Shirkadda la-talinta ee Boston Consulting Group (BCG) oo ah shirkad caan ah oo la-talin ah oo fadhigeedu yahay dalka Gobolka Boston ee dalka Maraykanka, ayaa soo saartay hab ku habboon suurtogalnimada in Falastiiniyiinta laga raro Marinka Gaza oo la geeyo dalal ey ka mid yihiin Soomaaliya iyo Somaliland, sida laga soo xigtay ilo-wareed uu soo xigtay wargayska Financial Times. Qaabka ayaa lagu soo waramayaa in loo sameeyay koox Ganacsato Israa’iiliyiin ah oo sahaminayay Qorshooyinka dib u dhiska Gaza ka dib. Qoraal Sireedkan ey diyaarisay BCG ayaa saadaaliyey in 25% dadka Gazan-ka ey dooran karaan iney ka baxaan Marinka, iyadoo intooda badan eysan u badneyn iney soo laabtaan. Ilaha ayaa u sheegay Wargayska Financila Times in qaabkani uu diirada saarayo suurtagalnimada dhaqaalaha halkii uu ka ahaan lahaa wada xaajood diblomaasiyadeed oo jira. Shakhsi aqoon u leh shaqada ayaa ku tilmaamay iney tahay layli lagu fahmayo faa'iidooyinka ka iman kara dalalka martida loo yahay, halkii laga heli lahaa qorshe dib-u-dejin oo la taaban karo. Fikradda raritaanku waxay la socotaa soo jeedintii hore ee uu soo jeediyay Madaxweyne Donald Trump, kaasoo soo jeediyay in Gaza lagu horumariyo xudunta dalxiiska ee gobolka iyada oo laga rarayo dadka degan. Fikradahaas waxaa si fagaare ah u taageeray qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil balse waxaa si weyn u cambaareeyay Dowladaha Carabta iyo qaar badan oo ka mid ah bulshada caalamka. Kooxda BCG waxa kale oo ey gacan ka gaysatay samaynta Hay'adda Gargaarka ee Gaza, taasoo maamusha qaybinta gargaarka ee gobolka. Shirkaddu way diiday iney ka hadasho warbixinta Wargayska Financila Times. Dhinaca kale,wadamada kala aha Koonfurta Sudaan iyo Eswatini ayaa horay waxaa loogu Tarxiilay dad fara badan oo laga keenya dalka Maraykanka,waxaane hadda socoto diyaarinta koox cusub oo gaareyso ilaa 250-qofood kuwaaso loo diyaarinaayo in la geeyo/Tarxiilo dalka Rwanda ka dib markii ey ogolaatay iney dejineyso dalkeeda. Dadka Rwanda loo tarxiilaayo ayaa ah dad aan u dhalan dalkaasi balse halkaasi la dejinaayo si ey noloshooda uga sii wataan halkaasi. Haddii ey dhacdo in Somaliland ey aqbasho in dhulkeeda la keeno dad reer Falastiin cawaaqibta ka dhallan karta maxay tahay? Shalay oo Jimca ahayd ayuu Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump sheegay inuu dersaayo qorshaha ey suurtagal ku tahay in Somaliland ey qaabisho Falastiiniyiin laga soo raraayo Marinka Gaza,taas bedelkeedana Maraykanka uu aqoonsado Somaliland iney tahay Dawlad Madax Banaan lana mid ah Soomaaliya. Madaxweyne Trump kuma uusan dhiiiran arrintaan aqoonsiga Somaliland waayo waxa ey raad weyn ku yeelaneysaa siyaasadda Maraykanka ee Gobolka Geeska Afrika oo waqtigaan si aad ah u cakiran,balase Trump ayaa yiri “Waan ka fikireynaa”.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

(KENYA):SHAQAALIHI DIYARADII BURBURTAY OO LA AQOONSADAY.

Next
Next

BOOLISKA WEST VIRGINIA EE MARAYKANKA OO TOOGTAY NIN WATAY MINDI.