SUUQA SOOMAALIDA EE ISLII OO MAANTA GUBTAY.

(SAWIRKA)SUUQA ISLII.

(EASTLEIGH/KENYA)-Wararka laga helaayo Islii ee dalka Kenya ayaa sheegaayo in Dab xooggan uu maanta sabti ah gelinkeedii dambe uu ka kacay beerta Ganacsiga ee Yare Business Park ee xaafadda Islii ee magaalada caasimadda ah ee Nayrobi, waxaana dabkaas uu baabi’iyey dukaamo badan, waxaana ka dhashay khasaare lagu qiyaasay Malaayiin shilin. Dhacdadan ayaa keentay in ganacsatadu ey tiriyaan khasaara lixaad leh iyadoo dhanka kale walaac laga muujinayay xawaaraha iyo waxtarka dabdamiska magaalada. Sida ey sheegeen dad goob joogayaal ah, dabka ayaa ka billowday dukaan lagu iibiyo dharka, alaabta guryaha, iyo daahyada ka hor inta uusan si dhaqso ah ugu fidin dukaamada ku dhow. Daqiiqado gudahood ayaa qaac iyo holac ayaa qabsaday qeybo ka mid ah xarunta ganacsiga, waxaana taasi ey keentay in ganacsatadu ey ku yaacaan dukaamadooda si ey u soo badbaadiyaan alaabtooda. Milkiilayaasha goobihii u dhowaa waxa ey rareen alaabtoodii, iyaga oo ka tagay khaanadaha maran, iyaga oo u halgamaya sidii ey u badbaadin lahaayeen waxa ey awoodaan. Suuqa xaafadda Islii ee ku dhowaa ayaa isla markiiba albaabada loo laabay iyadoo dadka degan iyo maamulkaba ay ka baqayeen in dabku ku fido suuqa. Ilaalada ayaa macaamiisheeda kala baxay, iyadoo ganacsatadu ey si deg deg ah u sugayeen ammaanka dukaamadooda. Dukaanleyaasha iyo shacabka ayaa isku dayay iney dabka xakameeyaan,iyaga oo adeegsanaya dab-damisyo iyo baaldiyo biyo ah,balse dadaalkooda ayaa noqday mid aan waxba ka soo bixin markii uu dabku sii xoogeystay. "Waxaan isku daynay inaan ka saarno waxa aan haysano, laakiin aad ayey noogu xoog badneyd," mid ka mid ah ganacsatada ayaa yiri. Matoorada dab damiska ee ismaamulka Nayrobi ayaa goobta soo gaaray ku dhawaad ​​labo saacadood ka dib, sida ey sheegeen milkiilayaasha dukaamada. Dab-damiska, oo ka shaqaynayay kaalmada milkiilayaasha ganacsiga, ayaa ku guulaystay iney damiyaan dabka. Ciidamo Boolis ah ayaa sidoo kale la soo dhoobay goobta uu dabku ka kacay, waxaana ey bilaabeen iney kala eryaan dadweyne aad u fara badan oo isugu soo baxay goobta uu dabku ka kacay. Nuur Sheekh Maxamed oo ka mid ah ganacsatadii uu dabku saameeyay ayaa sheegay iney ku waayeen alaabo qiimaheedu ka badan yahay 180,000$ (oo u dhiganta 23.4 milyan oo shilinka dalka ah). Waxa uu sharaxay in kaydka burburay ey ka mid yihiin in ka badan 600 oo duub oo maryo ah, iyo sidoo kale agabka guryaha sida sariiraha iyo daahyada. "Waxaan ka mid ahay dadkii ugu horeeyay ee dukaan ka kireystay halkan siddeed iyo toban sano ka hor, waxaan waayay malaayiin, laakiin Alhamdulilah," Nuur ayaa u sheegay warbaahinta . Waxa uu Nuur dhaleeceeyay dabdamiska in ey soo daaheen, isaga oo sheegay in gaabiska ey sameeyeen eyna uga sii dartay khasaaraha. "Haddii ey ku iman lahaayeen waqtiga, dabkani ma baabi'iyeen dukaamo iyo badeecooyin badan." Ganacsadaha ayaa ku micneeyay in saacado gudahood ey ku baaba’day gabi ahaan noloshiisii. "Waxaan lumiyay il dhaqaale oo aan ku shaqeynayey muddo dheer, khasaarahan waa mid aad u weyn, uma maleynayo inaan ka gudbi doono," ayuu raaciyay. LA SOCO WIXI KA SO KORDHA.

XIGASHO-EASTLEIGH VOICE/KENYA.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SOO XIRAY BARNAAMIJKA ISLA XISAABTANKA XFS.

Next
Next

DANJIRE SHARIIF MAXAMED CUMAR OO KU GEERIYOODAY DALKA QADAR.