DANJIRE SHARIIF MAXAMED CUMAR OO KU GEERIYOODAY DALKA QADAR.

(SAWIRKA)-AUN-DANJIRE SHARIIF MAXAMED CUMAR.

(MUQDISHO)-War Qoraal ah kana soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogana hadlay Geerida ku timid Danjire Shariif Maxamed Cumar ayaa u qornaay sidan: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali(Dhaay), Wasiiru Dowlaha Mudane Cali Maxamed Cumar(Cali Balcad), Wasiir Ku Xigeenka Mudane Isaaq Maxamed Mursal, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Mudane Hamsa Aadan Xaadow, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsuliyadaha Guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ey tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Shariif Maxamed Cumar, oo shalay oo Jimce ah, kuna beegneed 22 August, 2025 ku geeriyooday Magaalada Dooxa ee caasimadda dawladda Qatar oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay. Marxuum Amb. Sharif Maxamed Cumar oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay billowgii dowladnimada loo diray Waxbarasho sare oo dibadda ah ayaa haystay labo shahaado "Laurea" oo uu ka qaatay Jaamacadda Rome intii u dhexeysay 1962-1969, xilligan u dhiganta heerka labaad ee Jaamacadda "Master degree". Shahaadada koowaad ayaa ah Culuunta Tirakoobka Dadweynaha (Statistical & Demographic Sciences), halka shahaadada labaad ey tahay Culuunta Siyaasadda (Political Science). Marxuum Shariif Maxamed Cumar ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ku biirray sanadkii 1976, isaga oo ka mid noqday Saraakiisha Sare ee Waaxda Dhaqaalaha ee Wasaaradda. Ka hor inta aanu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku biirin, waxa uu ka soo shaqeeyay labo Wasaaradood oo kala ah:

▸Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1969-1970 isaga oo ahaa sarkaal ka tirsan Waaxda tirakoobka Ganacsiga Gudaha iyo Dibadda, isaga oo sanad ka dib loo dallacsiiyay Madax Qeybeed.

▸Wasaaradda Ganacsiga oo uu ka shaqaynayay intii u dhexeysay 1970-1976, isaga oo labo mar oo is xiga ka noqday Agaasime Waaxeed Waaxyaha kala ah:

➝1973-1976 Agaasimaha Waaxda Isdhaafsiga ganacsiga, Soo dejinta iyo dhoofinta.

➝ 1970-1973 Agaasimaha Waaxda Tirakoobka ganacsiga gudaha iyo dibadda.

➝1972-1973 Ku-simaha Maareeyaha guud ee Shirkadda Ceymiska Qaranka.

■ Intii u dhexeysay 1976-1977 waxa uu ahaa La-taliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

■ Intii u dhexeysay 1977-1982 waxa uu ahaa La-taliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Germany.

■ Intii u dhexeysay 1982-1986 waxa uu ahaa La-taliyaha koowaad ee Arrimaha Siyaasadda, Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium.

■ Intii u dhexeysay 1986-1989 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.

■ Intii u dhexeysay 1989-2008 waxa uu ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar.

Marxuum Shariif Maxamed Cumar oo ku dhashay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, 14 November, 1940 , ayaa ifka uga tagay Xaas iyo Caruur, isaga oo u adeegay dalka iyo dadka Soomaaliyeed muddo 38 sano si daacadnimo oo nafhurnimo leh. Haddaba, annagoo ka murugeysan,kana tiiraanyeysan geerida marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.

ISHA-WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA.


Previous
Previous

SUUQA SOOMAALIDA EE ISLII OO MAANTA GUBTAY.

Next
Next

HOOYO SOOALIYEED OO XABSI KU MUTEYSATAY WIILKEEDA.