MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SOO XIRAY BARNAAMIJKA ISLA XISAABTANKA XFS.
(SAWIRKA)-MW XASAN SHEEKH IYO RW-XAMSE.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu galabta soo xiray Barnaamijka Isla-Xisaabtanka Xukuumadda Dan Qaran ee uu Hoggaaminayo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaasoo lagu qiimeynayey qorsheyaasha iyo ballamaha hirgelay ee Xukuumadda. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Golaha Xukuumadda daah-furnaanta ey muujiyeen sida ey mudnaanta u siinayaan talada iyo tusaalaha shacabka Soomaaliyeed oo ey muddo toddobaad ah u soo bandhigayeen waxqabadkooda, caqadaha iyo qorsheyaasha dhow. "Barnaamijkan [isla-xisaabtanka] waxa uu xoojinayaa hufnaanta, daahfurnaanta iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ey ku qabaan Dowladdooda". Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in guulaha ey Xukuumadda Dan-Qaran gaartay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ey saldhig u yihiin mustaqbalka dowladnimada, balse loo baahan yahay in dadaalka la labalaabo si loo gaaro hiigsiga qaranka ee fog. Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Xafiiska Dardargelinta iyo Hirgelinta (CDU) oo hoos imaanaya Xafiiska Raysal Wasaaraha kaas oo qaabilsan hirgelinta iyo dabagalka ballanqaadyada iyo qorshayaasha dowladeed, dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo isku-xirka Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha qaranku si habsami leh u hirgalaan.
ISHA-SNTV.