SAFIIRKA ITOOBIYA U FADHIYA ANKARA OO BEENIYEY INUU GAABIS GALAY HESHIISKII ANKARA.

(SAWIRKA)-SAFIIRKA ITOOBIYA EE RURKIGA.

(ANKARA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa sheegaayo in Safiirka dalka Itoobiya fadhiya caasimadda Ankara ee dalka Turkiga, Adem Maxaammed, ayaa beeniyay in la joojiyay kulamadii farsamo ee lagu dhameystirayey fulinta baaqii Ankara. Safiirka Itoobiya ee Ankara ayaa sheegay in inkastoo wareegga labaad ee wada-hadallada farsamo aan weli la qaban, haddana xiriirka labada dal uu weli wanaagsan yahay. Waxa uu rajo ka muujiyey in wada-xaajoodyadu sii socon doonaan, isla markaana aaney jirin sabab ey u istaagaan.“Ma jiraan taariikho rasmi ah oo la isla oggolaaday wareegga labaad ee wada-hadallada farsamo,” ayuu yiri. “Waxaan aaminsannahay in Heshiiska Ankara uu weli shaqeynayo.” Safiirku waxa uu xusay in wada-hadallo hore uga dhaceen heer hoggaamiye iyo heer Wasiir, isagoo carrabka ku adkeeyey in magacaabista Safiirka cusub ee Itoobiya u fadhiya Muqdisho ey calaamad u tahay xiriir caafimaad qaba oo ka dhaxeeya labada dal. Waxa uu intaas ku daray in Heshiiska Ankara uu door weyn ka qaatay fududeynta wada-hadallo nabadeed, isla markaana dhinacyadu muujiyeen ballanqaadkooda ku aaddan nabadda gobolka, taasoo uu ku rajo weyn yahay iney horseedi doonto xiriir miro dhal ah oo lagu sii wado wada-xaajoodyada. Waxa uu ammaanay doorka Türkiye ee ku aaddan ilaalinta nabadda iyo amniga Geeska Afrika, isagoo xusay in Heshiiska Ankara uu ka dhashay wada-hadallo uu dhexdhexaadiyey Madaxweynaha dalkaasi Turkiga Md.Recep Tayyip Erdoğan. Waxa uu sheegay in tan iyo markii Itoobiya heshiis la gashay Somaliland bishii Janaayo 2024, si ey u isticmaasho dekedda Berbera ee Badda Cas, Türkiye ey dadaal ugu jirtay xallinta xiisadda ka dhex aloosan labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

SAFIIRKII HORE EE TURKIGA OO SOOMAALILAND KU TILMAAMAY QABIIL.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SOO XIRAY BARNAAMIJKA ISLA XISAABTANKA XFS.