SUUDAAN OO DALKEEDA KA ERIDAY LABA MASUUL OO KA TIRSAN WFP.

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA EL-FASHIR.

(ROME/ITALY)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka ee WFP ayaa Arbacadii shalay ahayd sheegtay in labadeeda shaqaale ee ugu sareeya dalka Suudaan ey ku amartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi iney isaga baxaan dalka ey colaaduhu aafeeyeen. Agaasimaha WFP eedalka Sudan iyo isuduwaha Xaaladaha deg dega ah "waxaa loo aqoonsaday iney yuhiin dad aan loo baahney”, waxaana la weydiistay iney dalka uga baxaan 72 saacadood gudahood, iyadoon wax sharaxaad ah laga bixin," ayey Wakaaladda fadhigeedu yahay Rome ku tiri hadal ey soo saartay. Hayadda WFP iyo saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa la shaqaynayay mas'uuliyiinta Suudaan si ey uga mudaaharaadaan go'aanka, kaasoo yimid "waqti muhiim ah," ayey tiri. "Baahiyaha bini'aadantinimo ee Sudan waligiis kamay waynaan iyada oo in ka badan 24 milyan oo qof ey soo food saartay cunto yari ba'an iyo bulshooyin ey macaluul saamaysay," ayaa lagu yiri. "Xilligan oo ey WFP iyo la-hawlgalayaasheeda u baahan yihiin iney ballaariyaan gaaritaankooda, go'aankan ayaa ku qasbaya WFP in ey hirgeliso isbeddello hoggaan oo aan qorshaysnayn, khatar gelinaya hawlgallada taageeraya malaayiinta Suudaani ah ee nugul oo wajahaya gaajo aad u daran, nafaqo-darro, iyo xitaa gaajo," ayey tiri. Masaafurintan ayaa lagu dhawaaqay maalmo ka dib markii ciidamada isbahaysiga ey la wareegeen magaalada muhiimka ah ee EL-Fashir ee galbeedka gobolka Darfur. Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), oo dagaal bahalnimo kula jiray ciidanka tan iyo Abriil 2023, ayaa weerarradii ugu dambeeyay ku qaaday magaalada maalmihii la soo dhaafay, iyagoo qabsaday goobihii ugu dambeeyay ee ciidanka. Qabsashada EL--Fashir ayaa dhalisay cabsi laga qabo in la laayo dad badan oo soo xasuusiyay maalmihii ugu madaw ee gobolka. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Suudaan ey hadda si wax ku ool ah u kala qaybsantay dhidibka bari-galbeed, iyadoo RSF ey maamuleyso dowlad barbar socota oo dhan Daarfuur halka ciidankuna uu ku qotomo hareeraha wabiga Niil iyo Badda Cas ee Waqooyiga, bari iyo bartamaha.

XIGASHO-AN.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD OO GAARAY JABUUTI.

Next
Next

SAFAARADDA MARAYKANKA EE DALKA MALI OO DIGNIIN SOO SAARTAY.