MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD OO GAARAY JABUUTI.

(SAWIRKA)-WAFDIGA sOOMAALIYA.

(JIBOUTI)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo munaasabadda sannad-guurada 25-aad ee ka soo wareegtay dib u yagleeliddii Jamhuuriyadda 3-aad ee dalkeenna Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuustay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh xasuus qorka dadkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad dhinacyo badan tabaneyso oo ku saabsan guulaha mira dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay shirkii dib u heshiisiinta ee dadka Soomaaliyeed loogu qabtay Jabuuti ku soo bandhigi doona munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika. Sidoo kale waxaa iyagana gaaray dalka Jabuuti masuuliyiin ey ka mid yihiin Reysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Md.Xasan Cali Khayre, Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii 10-aad Mudane Maxamed C/raxman Mursal, Madaxweynihii hore ee K/Galbeed Mudane Shariif Sheekh Xasan Aden, Reysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke,waxaane ka baaqday kulanka Jabuuti Ex.Reysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha kala Shariif Sheekh iyo Maxamed C/laahi Farmajo.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

MUQDISHO OO LAGU XUSAY SANNAD GUURADII 102-AAD EE AAS-AASKII TURKIGA.

Next
Next

SUUDAAN OO DALKEEDA KA ERIDAY LABA MASUUL OO KA TIRSAN WFP.