MUQDISHO OO LAGU XUSAY SANNAD GUURADII 102-AAD EE AAS-AASKII TURKIGA.

(SAWIRKA)-SAFAARADDA TURKIGA EE MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Raysall Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalay xuska 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta Safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalintan ay tahay maalin farxad wadaag ah oo u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga. “Maalintani waa maalin aan si wadajir ah ula faraxno walaalaheen Turkiga, waa maalin lagu xusayo geesinimadii iyo halgankii uu hormuudka u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, kaasoo dhidibbada u taagay Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamsa. Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, taariikhi ah oo walaaltinimo ku dhisan, isaga oo dib-u-xusuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011 xilli Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay abaar iyo amni darro. “Sannadguuradan waxa ay fursad u noqon doontaa in aan sii xoojinno iskaashigeenna dhinacyada Ganacsiga, Amniga, Dhaqanka, Waxbarashada iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayuu raaciyay Raysal Wasaaruhu. Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda Jamhuuriyadda Turkiga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Difaaca, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare kana tirsan Xukuumadda Danqaran uu ka mid yahay Agaasimaha Hayadda Nabad Sugidda Sirdoonka Qaranka(NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Gudoomiyaha G/Banaadir ahne Duqa caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.

XIGASHO-SNTV.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO FINLAND OO KA WADA HADLAY SOCDAALKA.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD OO GAARAY JABUUTI.