SOOMAALIYA IYO FINLAND OO KA WADA HADLAY SOCDAALKA.

(SAWIRKA)-DUMAR SOOMALIYED EY TAAGEERTO FINLAND.

(MUQDISHO)-Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa mudo sadax maalmood ah kulamo muhiim ah ku martigaliyay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho, wafdi heer sare ah oo ka socday dowlada Finland. Wafdiga ka socda dowladda Finland ayaa waxaa hoggaaminaya Agaasimaha guud ee Hay’adda adeegga socdaalka Finland (FIS), waxaana wehlinaayay Safiir ku xigeenka ahna ku simaha Safiirka dalka Finland ee Soomaaliya, Taliye Ku xigeenka Booliiska, iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adaha Amniga Xuduudaha ee dalka Finland. Kulamadaan ayaa ah kuwa daba socda safarkii uu bartamhii sanadakn ku tagay dalka Finland Agaasime Mustaf Dhuxulow iyo wafdi uu hoggaaminayay, kaasoo lagu sheegay ujeeddadiisu iney ahayd safar sahan “scoping exercise” oo lagu qiimeynayay awooda Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya u leedahay maareynta xuduudaha iyo maamulka socdaalka iyadoo la isticmaalayo teknoolijiyada casriga ah. "Waxa sidoo kale la qabtay kulamo wada shaqayn ah oo u dhaxeeyay Booliiska Soomaaliyeed oo matalayay Taliyaha Booliiska Sarreeye Guuto Gen. Asad Cusman Cabdullaahi iyo Hoggaanada CID iyo Interpol, NCB iyadoo lagu muujiyay muhiimada wada shaqaynta Hay’adaha Dowlada si loo gaaro nidaam maamul iyo xuduudo ammaan ah loona sii xoojiyo iskaashiga dhinaca amniga socdaalka iyo la dagaallanka dambiyada la xiriira socdaalka sharci-darrada ah" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Wafdiga dowladda Finland ayaa sidoo kale kormeer lagu geeyay goobaha shaqada ee Terminaalada socdaalka ee garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow u kormeereen nidaamyada isku xiran ee PISCES iyo Interpol oo kaalin mug leh ka qaata sugida amniga xuduudaha iyo Socdaalka sharciga ah. Ugu dambeyntii Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf  Sheekh Cali Dhuxulow ayaa uga mahad celiyay wafdiga Finland booqashada iyo taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin horumarinta dib u habaynta hay’adda, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo tayaynta adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY KULANKA CARTE.

Next
Next

MUQDISHO OO LAGU XUSAY SANNAD GUURADII 102-AAD EE AAS-AASKII TURKIGA.