SAFAARADDA MARAYKANKA EE DALKA MALI OO DIGNIIN SOO SAARTAY.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA MALI.
(BAMAKO/MALI)-Safaaradda Mareykanka ee caasimadda dalka Mali ee Bamako ayaa Talaadadii shalay ahayd ku boorisay dadka Mareykanka ah iney ka baxaan dalka Mali "si deg deg ah" iyadoo ey sii kordhayaan walaacyada amniga, oo ey ku jiraan rabshadaha, khalkhalgelinta saadka shidaalka, joojinta adeegyada muhiimka ah iyo khatarta sii kordheysa ee hareeraha caasimadda. “Muwaadiniinta Mareykanka waa iney ka baxaan dalka Mali iyagoo isticmaalaya duulista ganacsiga, maadaama waddooyinka dhulka ee loo maro waddamada deriska ah laga yaabo ineysan ammaan u noqon karin safarka sababo la xiriira weerarrada Argagixisanimo ee ka dhaca waddooyinka waa-weyn ee qaranka,” ayey safaaraddu ku sheegtay digniin amni. Waxay kula talisay dadka Maraykanka ah ee haray iney diyaariyaan qorshooyin kadis ah oo ku wajahan xaaladaha deg dega ah ee iman kara, oo ey ku jirto suurtogalnimada in loo baahdo hoy lagu hoydo muddo dheer. Safaaradda ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqday in shaqaalaha diblomaasiyadeed ee aan muhiimka ahayn iyo qoysaskooda ey ka bixi doonaan Mali iyada oo ey sii xumaanayso shidaal yari iyo walaac amni oo sii kordhaya. Waxay sheegtay ineysan bixin karin adeegyada joogtada ah ama qunsuliyadda deg-degga ah ee ka baxsan Bamako waxayna xustay in la-talinta safarka ee Mali ey weli socoto. "Muwaadiniinta Mareykanka waa iney sii wadaan iney ka fogaadaan iney u safraan Mali," ayey ka digtay digniinta, iyadoo raacisay in safaaraddu eysan bixin karin adeegyo deg deg ah ama taageero meel ka baxsan Bamako. Waxay ku boorisay dadka u safraya Mali iney la xiriiraan safaaradda haddii ey dhacdo xaalad deg deg ah. Safaaradda ayaa ku boorisay dadka Mareykanka ah iney ka fogaadaan bannaanbaxyada iyo jidgooyooyinka, iney feejignaadaan, ey muujiyaan muuqaal hoose, ka warqabaan agagaarkooda, ilaalinta xiriirka iyo dukumentiyada la heli karo. Maali ayaa waxaa soo wajahday dhibaato dhanka shidaalka ah muddo toddobaadyo ah, taasoo ey sababeen kooxo hubeysan oo xiray wadooyinkii ey isticmaali jireen booyadaha shidaalka, gaar ahaan kuwa saameeyay Bamako. Khadadka dhaadheer ayaa ka sameysmay kaalmaha shidaalka halka gaadiidka dadweynaha iyo tagaasida mootooyinka ey si aad ah u burbureen, taasoo keentay in waddooyinka Bamako oo caadiyan ah ey degan yihiin. Mali waxay hakisay Waxbarashada dalka oo dhan laba toddobaad Axadii. Xarumaha Waxbarashada sare ee caasimadda ayaa sidoo kale sheegay in lagu qasbay iney joojiyaan xiisadaha, iyaga oo sabab uga dhigaya in ardayda iyo macallimiinta eysan awoodin iney gaaraan xarumaha Jaamacadda sababo la xiriira shidaal yarida.
XIGASHO-AA.