SUDAN OO DACWAD KA GUDBISAY IMAARAATKA.

(SAWIRKA)-DAGAALKA SUDAN.

(SUDAN)-Sudan ayaa Arbacadii shalay ahayd waxa ey ka dhan ah Imaaraatka Carabta (UAE) u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) oo ey ku eedaysay iney ku lug lahayd Xasuuqii Masalit ee ka dhacay Galbeedka Darfur iyada oo loo marayo "Jihada iyo bixinta taageero dhaqaale, Siyaasadeed, iyo Milatari oo ballaaran oo ey siiso falaagada RSF." Sudan waxa ey ku eedaysay Imaaraadku inuu RSFu suurtageliyay "Xasuuq, Dil, Xatooyo Hanti, Kufsi, Barakicin Xoog ah, Ku Xad-gudbid, Burburinta Hantida Dadweynaha, iyo Ku Xad-gudbida Xuquuqul Insaanka" iyada oo taageero ka helaysa Ciidamada Taageerada deg dega ah (RSF) iyo maliishiyaadka xulafada ah. Faylka ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qaaday tillaabooyin la xiriira Xasuuqa ka dhanka ah kooxda Masalit ee Jamhuuriyadda Suudaan tan iyo ugu yaraan 2023. Sudan waxa ey ka codsatay ICJ iney soo rogto tillaabooyin deg deg ah, iyada oo ugu baaqaysa Imaaraatka in ey "qaado dhammaan tillaabooyinka ey awoodo si ey uga hortagto in la fuliyo dhammaan ficillada ku jira baaxadda Qodobka II" ee Axdiga Xasuuqa, oo ey ku jiraan "dilka xubnaha kooxda" iyo "u geysanaya dhaawac halis ah Jirka ama Maskaxda xubnaha kooxda."Imaaraatka Carabta ayaa ku gacan seyray eedeymaha Suudaan oo sidoo kale laga horkeenay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna beeniyeen sheegashada ah in ey hub iyo saanad siiyeen falaagada RSF oo dagaal kula jirta ciidamada Suudaan ku dhawaad ​​hal sano. Ciidanka Suudaan iyo kooxda iska soo horjeeda ee RSF ayaa dagaal ku dhex maray tan iyo bishii Abriil 2023 dagaal ey ku dhinteen in ka badan 20,000 oo dhibanayaal ah iyo barakiciyay 14 Milyan, sida ey sheegeen Qaramada Midoobay iyo Maamulka maxalliga ah. Cilmi baaris lagu sameeyay Jaamacadaha Mareykanka, si kastaba ha ahaatee, waxay ku qiyaastay tirada dhimashada ku dhawaad ​​130-KUN. Baaqyada Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ku aaddan joojinta dagaalka ayaa isa soo taraya, iyagoo ka digaya Masiibo Bini'aadantinimo oo soo fool leh iyadoo malaayiin qof ey wajahayaan macaluul iyo dhimasho cunto yari darteed. Colaadda ayaa ku fiday 13-Gobol oo ka mid ah 18-ka Gobol ee dalka Sudaan.

ISHA-AA.

Previous
Previous

186-TAHRIIBE OO LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA YEMAN.

Next
Next

FIFA OO KA FIKIREYSA INEY KORDHISO KOOX..