FIFA OO KA FIKIREYSA INEY KORDHISO KOOX..

(SAWIRKA)-KULANKII GUDIGA FULINTA EE FIFA.

(FIFA)-Soo jeedintan ayaa ka soo baxday shir ey dhawaan yeesheen Guddiga Fulinta ee Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA. Isbeddelku waa qayb ka mid ah nolosha, adduunka kubbadda cagtana ma aha mid ka reeban. Xaaladdan oo kale, Guddiga Fulinta FIFA ayaa shir isugu yimid Arbacadii si ey uga wada hadlaan arrimo kala duwan oo la xiriira Cayaarta Quruxda badan, oo ey ku jirto soo jeedin cusub oo ku saabsan Koobka Adduunka. Gaar ahaan, FIFA waxa ey sahminaysaa suurtagalnimada in la balaariyo tirada kooxaha ka qayb gelaayo Koobka Adduunka. Sanadka 2026-ka ayaa lagu wadaa iney ka qeyb galaan 48-kooxood, balse maamulka Kubada Cagta ayaa ka fikiraya in la kordhiyo lana gaarsiiyo ilaa 64-kooxood oo ka qeyb gelaayo Koobka Aduunka sannadka-2030-ka. Tani waxay noqon doontaa cabbir aan caadi ahayn oo lagu xusayo Qarniga tartanka. Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta soo jeedintan ayaa noqon doonta mid aad u adag, maadaama la qorsheeyay in Koobka Adduunka 2030 uu ka dhaco markii ugu horeysay saddex Qaaradood oo kala ah Ameerika, Yurub iyo Afrika, si loo xuso sannad-guurada tartanka. Fikradda 64-kooxood ee Koobka Adduunka waxaa soo jeediyay wakiil ka socda Uruguay intii lagu jiray shirkii FIFA. Inkastoo eysan si wanaagsan uga dhex muuqan qaar ka mid ah xubnaha goobta ku sugnaa, haddana wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya iney kasbatay xiisaha Gianni Infantino, Madaxweynaha FIFA. Iyadoo la tixraacayo xogtan, FIFA ayaa soo saartay bayaan ey ku caddaynayso xaaladda. "Fikradda waa la aqoonsaday, iyadoo FIFA ey waajib ku tahay iney qiimeeyso soo jeedin kasta oo ka timaadda Xubnaha Golahooda," ayaa lagu yiri bayaanka. Iyadoo ey weli waqti badan ka harsan tahay Koobka Adduunka 2030, cadaadis ayaa saaran FIFA si ey go'aan uga gaarto iney tallaabadan qaaddo. Waxaa hubaal ah in tani eysan noqon doonin Go'aan sahlan.

ISHA-FOOT BOOM.

Previous
Previous

SUDAN OO DACWAD KA GUDBISAY IMAARAATKA.

Next
Next

HANJABAAD LOO DIRAY MASJIDKA AL-BEYT AL-ISLAM.