HANJABAAD LOO DIRAY MASJIDKA AL-BEYT AL-ISLAM.
(SAWIRKA)-MASJIDKA AL-NUUR.
(SYDNEY)-Masjid lagu magaaco AL-Bayt AL-Islaam oo ku yaalla magaalada Sydney ee dalka Austaraaliya ayaa loo diray hanjabaad ah in la weerarayo. Booliska ayaa ku wargeliyey maamulka Masaajidka iney baadigoobayaan cida hanjabaada weerarka ku baahisay baraha bulshada. Markii dembana waxay boolisku sheegeen in qofka qoraalka ugu hanjabay Masaajidka inuu weerarayo uu yahay wiil dhalinyaro ah oo 16 sano jir ah kaas oo ku nool Galbeedka wadanka Austaraaliya. Wiilkan dhalinyarada ah ayaa farrintiisa ku sheegay inuu Masaajidka ku yaalla Sydney ee AL-bayt AL-Islaam, uu u weerarayo si lamida sidii loo weeraray Masjidka AL-Nuur ee ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, kaas oo sanadkii 2019-kii uu nin hubaysan toogasho ka geystay xilli dadku ku jireen Salaada Jimcaha, halkaas oo ey ku dhinteen 51 qof oo cibaadaysanayey. Masjidka AL-bayt AL-Islaam, ayaa ah Masaajid cusub oo dhawaan la furay kaas oo ka mid ah Masaajidad ugu weyn ee ku yaalla magaalada Ganacsiga ee Sydney dalka Austaraalyia. "Dadka muslimiinta ah ee deggan magaalada Sydney gaar ahaana Masaajidka ku tukada ayaa aad walaac ugu muujiyey cabsina ka qabay, waayo qofka hanjabaada qoray waxa uu sheegay inuu u weerari doono sidii Masaajidkii dadka lagu laayey ee Christchurch, saas ayuu ahaa qoraalkiisa ahaa" ayuu yiri wariye Ibraahim Omar Baafo oo BBC-da la hadlay. Wuxuu intaa raaciyey Baafo in Masaajidka AL-bayt AL-Islaam dhismihii muddo socday oo la daah furay sabtiidii la soo dhaafay oo ku beegnayd kowda bisha barakaysan ee Ramadan laguna tukaday salaadii taraawiixda ee ugu horreysay. Ammaanka Masaajidka ayaa la adkeeyey ka dib markii fariinta xooggan ee hanjabaaada ah loo diray intii dadka musliimta ey oogayeen salaada taaraawiixda. Booliska dalka Austaraaliya ayaa sheegay in la qabtay wiilka dhalinyarada ah ee fariinta hanjabaada qoray isla markaana ey su'aalo waydiinayaan mana bixin faahfaafin intaas dheer.Masjidka AL-Bayt AL-Islami ayaa ku tilmaamay hanjabaadda mid "Qas iyo Argagax leh". Hoggaanka Masaajidku waxa uu si buuxda ula shaqaynayaa booliiska "si loo sugo Amniga iyo Nabadgelyada xubnaha bulshada" ayaa lagu yiri War Saxaafadeed ey soo saareen. Madaxweynaha Masjidka Mazhar Hadid OAM ayaa yiri: "Aad baan uga walaacsanahay hanjabaadan, waxaana u qaadaneynaa sida ugu dhab ahaansan,". Isbahaysiga Muslimiinta Australiyaanka ah iyo Golaha Imaamyada Qaranka Austaraaliya ayaa sheegay in ey aad uga naxeen oo ey aad uga walaacsan yihiin badqabka Muslimiinta Sydney ka dib hanjabaada online-ka ah. Raysal Wasaaraha dalka Austaraaliya Anthony Albanese, ayaa Arrinta hanjbaada ku qeexay mid lagan naxo "iyo mid aan meel ku lahayn Austaraaliya". Marka laga yimaado Sydney, Musliiminta ku nool magaalooyin kale oo dalkaas ayey walaac ku abuurtay hanjabaada iyadoo sida uu BBC-da u sheegay wariye Baafo, maagalada uu ku nool yahay ee Melbourne laga dareemay cabsi masaajidada. Cabdiqaadir Cabdirixmaan Macallin, oo ku nool magaalada Perth, ee Galbeedka dalka Austaraaliya ayaa BBC-da u sheegay in markii uu soo baxay warka ah in qofka hanjbaad u diray Masaajidka ku yaalla Sydney uu ku sugan yahay Galbeedka dalka ey dadka taxadar badan galeen. "Arrintu annaga hoosteena ayey ka soo baxday markii la sheegay in ninka ku nool yahay galbeedka runtii aad baa looga argagaxay, waxay noqotay in qofkasta uu galo taxadar, arrintani waxay noqotay mid aan la jeclaysan maadama lagu jiro bil cibaado oo qoysaska oo dhami wada joogaan masaajidada.Muslimiinta runtii ma jeclaysan warkaas" ayuu yiri Cabdiqaadir. Isagoo ka hadlayey sida hadda uu yahay dareenka ey qabaan marka ey u socdaan Masaajidaka si ey ugu cibaadaysaan ayuu Cabdiqaadir u sheegay BBC-da "Wallaahi aad ayaan walwalaa annaga hadda reerkayaga dhan isma wada raacno ninba marbuu gala Masaajidka sidaan isku raaci jirnay aad bay noo xanuujisay arrintaasi," Wuxuu intaa ku daray in la xoojiyey Ammaanka Masaajida oo horeyba loo sugayey ammaankooda basle hadda lagu daray ilaalo dheeraad ah magaalada uu ku nool yahay.
Xasuusta Cabdiqaadir ee Weerarkii Christchurch.
C/qaadir C/raxmaan Macallin,in kasta uu hadda ku nool yahay magaaladda Perth ee Galbeedka dalka Austaraaliya balse wuxuu muddo ku nolaa magaaladda Christchurch ee dalka New Zealand,wuxuuna xasuustaa saameynta shaqsi ahaaneed ee uu ku yeeshay weerarkii Masjidkii Christchurch.
Wuxuu BBC-da u sheegay inuu ka mid ahaa dadkii tafsiirka Quraanka ka raacan jiray Sheekh Muuse Nuur Cawaale oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii toogasha ee masaajadka Al-Nuur ee magalada Christchurch. "Ma ka sheekayn karo arrintaas markaan soo xasuusto waa arrin murugo leh" ayuu sheegay. In nin dhalinyaro ah oo ku nool dalka hadda uu deggan yahay u ku hanjabo weerar kaas la mida wuxuu sheegay inuu aad ugu naxay. Lix sano ka hor ayey ahayd markii nin islaam nacayb biyo dhigay uu weerar toogasho ah ku qaaday Masaajidka AL-Nuur ee ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New-Zealand falkaas oo cambaareyn caalamiya loo jeediyey.
ISAH-BBC/SOMALI.