INFANTINO OO KA HADLAY KOOBKA ADDUUNKA-2026.
(SAWIRKA)-GUDOOMIYAH XIRIIRKA KUBADA CAGTA ADDUUNKA.
(PARIS)-Final-ka Koobka Adduunka 2026 ee New Jersey wuxuu sameyn doonaa taariikh isagoo yeelan doona bandhig-qaabeed u eg midkii Super Bowl-Waqtiga Nasashada, Madaxa Kubbadda Cagta Adduunka Gianni Infantino ayaa Arbacada sheegay. Xubnaha kooxda Coldplay Chris Martin iyo Phil Harvey ayaa go'aamin doona Fanaaniinta soo bandhigi doona, Madaxweynaha FIFA Infantino ayaa yiri. Infantino ayaa ku soo qoray Instagram-ka "Waxaan xaqiijin karaa bandhiggii ugu horeeyay abid ee Nasashada Finalka Koobka Adduunka ee FIFA ee New York / New Jersey." "Tani waxay noqon doontaa waqti taariikhi ah Koobka Adduunka ee FIFA iyo bandhig ku habboon dhacdada isboortiga ugu weyn adduunka." Infantino ayaa daaha ka qaaday go’aanka ka dib shir ey xiriirka Ganacsiga iyo bahwadaagta FIFA ku yeesheen Dallas ka hor tartanka 2026, kaas oo si wadajir ah loogu martigelin doono US, Canada iyo Mexico. Ma jiro macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan faahfaahin gaar ah ama muddada bandhigga Waqtiga Nasashada oo uu shaaca ka qaaday Infantino. Talaabadan ayaa ka turjumeysa bandhiggii la qabtay intii lagu guda jiray finalkii Copa America ee sanadkii hore lagu qabtay Miami, markaasoo Xiddiga Colombia Shakira uu ku soo bandhigay qeybta Nasashada Garoonka Hard Rock Stadium. Infantino ayaa intaa ku daray in FIFA ey sidoo kale qorshaynaysay iney la wareegto fagaaraha Times Square ee New York dhamaadka usbuuca ugu dambeeya ee tartanka.
ISHA-ARAB NEWS.