MARAYKANKA OO WADA HADAL LA FURAY XAMAAS.

(SAWIRKA)-XOOGAGA XAMAAS.

(ISTANBUL)-Ergeyga Maraykanka u qaabilsan la-haystayaasha Adam Boehler ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar kula kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, halkaas oo ey ka yeesheen wadahadallo lagu raadinayo mawqifyada ku aaddan heshiiska lagu sii daayo Maxaabiista Israa’iil ee haysta dhalashada Maraykanka, sida ey sheegtay ilo Falastiini ah oo xog ogaal ah Arbacada maanta ah. Tani waxay jawaab u tahay warbixin uu qoray website-ka Wararka Mareykanka ee Axios, kaasoo shaaca ka qaaday in Boehler uu wadahadalo kula yeeshay magaalada Doha saraakiil ka tirsan Xamaas toddobaadyadii la soo dhaafay. Isagoo la hadlayay Anadolu oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in wadahadalladan ey dhaceen toddobaadyo ka hor, isagoo xusay ineysan ahayn markii ugu horeeysay oo shirar noocan oo kale ah ey dhacaan. Warku waxa uu intaa ku daray in Xamaas ey u gudbisay Ergayga Maraykanka rabitaankeeda ah in la gaaro heshiis dhamaystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka ey kula jirto Israa’iil iyadoo dhinaca kalena carabka ku adkeeysay iney lama huraan tahay in loo gudbo wejiga labaad ee heshiis xabbad-joojin ah oo soo socday tan iyo bishii January. Xogtu waxa ey sidoo kale xustay in shuruudaha lagu sii daayo Maxaabiista ciidamada ey ka duwan yihiin kuwa dadka rayidka ah balse ma eysan bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabihii laga wada hadlay. Aqalka Cad ayaa Arbacada xaqiijiyay in maamulka Trump uu wadahadal toos ah la leeyahay Xamaas, isagoo ku adkeystay in wadahadallada ey dani ugu jirto Mareykanka. Af hayeenka Karoline Leavitt ayaa sheegtay in Israa'iil lagala tashaday "Arrintan" wadahadalkuna "uu socdaa". Leavitt waxa uu diiday in uu caddeeyo baaxadda wadahadallada, oo ey ku jiraan in ey ku saabsan yihiin oo keliya sii daynta la haystayaal dheeraad ah oo ey haystaan ​​Xamaas, ama haddii ey wax ka qabtaan soo jeedinta Trump ee sida weyn looga Argagaxay ee ah in ey la wareegaan lahaanshaha Marinka Gaza ee go'doomiyey. Axios ayaa horaantii Arbacada shaaca ka qaaday jiritaanka wada Xaajoodka Qarsoodiga ah, kaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday caasimadda Qatar. Waxay u aqoonsatay Boehler inuu Hogaaminayo wafdiga Mareykanka, xaqiiqo uu qiray Leavitt. Ka dib, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in "Israa'iil ey muujisay mowqifkeeda ku aaddan wadahadalka tooska ah ee Xamaas," iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin. Si kastaba ha ahaatee, weriyaha Channel 12 Amit Segal ayaa sheegay in hadalka ka soo baxay Xafiiska Netanyahu uu si cad u muujinayo diidmada Israa’iil ee Washington iney wadahadal toos ah la yeelato Xamaas. Xabbad joojin ku meel gaarka ah iyo heshiis Maxaabiis isdhaafsi, oo bilaabmay Jan. 19, ayaa muddo kooban hakiyay rabshadaha Gaza laakiin waa uu burburay. Netanyahu ayaa diiday in laga wada Xaajoodo Wajiga labaad ee heshiiska saddexda weji ah, isagoo taa beddelkeeda doonaya in la kordhiyo Wejiga koowaad. Xamaas, si kastaba ha ahaatee, waxay ku adkaysanaysaa wada Xaajoodka Wejiga labaad, oo ey ku jiraan ka bixitaanka Israa'iil oo buuxda iyo soo afjarida dagaalka. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo bishii November Netanyahu iyo Wasiirkiisii ​​hore ee Gaashaandhigga Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ee Gaza.

ISHA-AA.

Previous
Previous

INFANTINO OO KA HADLAY KOOBKA ADDUUNKA-2026.

Next
Next

DALKA JARMALKA OO WAR KA SOO SAARAY SHILKII..