DALKA JARMALKA OO WAR KA SOO SAARAY SHILKII..
(SAWIRKA)-GOOBTA SHILKU KA DHACAY.
(BERLIN)-Tuhmanaha weerarkii dhimashada badnaa ee Isniintii ka dhacay magaalada Mannheim ee dalka Jarmalka ayaa xiriir la lahaa kooxaha Midigta Fog, sida ey shaaciyeen kooxda wax baareysay. Sida laga soo xigtay Exif ee haysa keydad waxa ka dhaca dalka Jarmalka,waane koox la socota dhaqdhaqaaqyada neo-Nazi, Alexander Scheuermann oo 40 jir ah ayaa ka qaybqaatay Mudaaharaadyada Midigta Fog ee 2018. Isla sanadkaas, wuxuu helay Ganaax ah Isticmaalka Calaamadaha aan Dastuuriga ahayn ee Baraha Bulshada. Natiijooyinkan ayaa soo baxay ka dib markii booliska iyo Xeer-ilaaliyeyaashu ey iska fogeeyeen ujeedooyinka Xagjirka ah War-Saxaafadeed Isniintii, iyaga oo u cuskanaya Xanuunka Dhimirka ee suurtogalka ah. Maamulka ayaa qiimeyntooda ku taageeray diiwaanka caafimaadka iyo dhowr cadeyn oo markhaati ah. Tuhmanuhu waxa uu si joogto ah u qaadanayey daawaynta caafimaadka iyo dhimirka, oo ey ku jirto Bukaan-Jiif sanadkii 2024, sida lagu sheegay bayaannada booliska. Isniintii, tuhmanuhu waxa uu gaari dhex geliyey dad Lugaynayay Xaafadda Mashquulka badan ee Mannheim, isaga oo dilay laba qof afar iyo toban kalena dhaawacay. Markii dambe ayuu isku toogtay qori maran, waxaana loo qaaday isbitaal si loogu daweeyo. Tan dhammaadkii sannadkii tegay 2024-kii dalka Jarmalka waxaa ku soo badanaayey Baabuurta dadka jiirsinayo iyadoo laga leeyahay ujeedooyin Siyaasadeed ama kuwa diimeed,waxaane sababta iska leh Xisbiyada dalka Jarmalka oo qaarkood ey yihiin kuwa xagjir ah si aad ahne u neceb dadka soo gelootiga ah.
SIAH-AA