186-TAHRIIBE OO LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA YEMAN.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAUAAL GAARAY YAMAN.
(YEMAN)-Hay’adda Socdaalka Adduunka(IOM) ayaa Jimcihii shalay shaacisay in 186 Tahriibayaal Afrikaan ah la la’yahay ka dib markii afar doonyood oo ey la socdeen ey habeenkii Jimcaha ku dagtay Xeebaha dalalka Yemen iyo Jabuuti. Hay’addu waxay ku sheegtay Qoraal ey soo dhigtay madal “X” iney baareyso “Warbixinno naxdin leh” oo ku saabsan dhacdadan, iyadoo xustay in 558 qof ey ku dhinteen jidka u dhexeeya Geeska Afrika iyo Yemen sanadka 2024-ka. Ururku waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu badbaadinayo nolosha, iyada oo ey jirto khataraha joogtada ah ee ey wajahayaan dadka Muhaajiriinta ah ee ku socda jidkan halista ah ee badda. Dalka Yemen ayaa ah halka ugu badan oo ey maraan kumannaan Muhaajiriin ah, gaar ahaan kuwa kaso jeeda dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasi oo doonaya iney uga sii gudbaan dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga, iyagoo raadinaya fursado dhaqaale oo wanaagsan. Warbixin ey soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ka badan hal Milyan oo Qaxooti Afrikaan ah ey gaareen Yemen tobankii sano ee u dambeeyay, inkastoo ey jiraan khataro waa weyn oo ey kala kulmaan marinka socdaalka.
ISHA-MO.