LIIBIYA OO QM KA DALBATAY IN LAGA KAALMEEYO DIB…

(SAWIRKA)-MUHAAJIRIIN.

(LIBYA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Liibiya Imad Al-Trabelsi ayaa ugu baaqay Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Liibiya (UNSMIL) iney gacan ka geystaan ​​dadaallada lagu soo celinayo Muhaajiriinta aan caadiga ahayn iyadoo loo marayo Barnaamijka Is-xilqaanka Soo celinta. Racfaankan ayaa yimid intii lagu guda jiray kulan magaalada Tripoli ku dhexmaray AL-Trabelsi iyo Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Liibiya, Hanna Tetteh oo ey weheliso Wafdigeeda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha dhanka Amniga iyo Horumarka ey Wasaaraddu ka samaysay hirgelinta istaraatiijiyaddeeda Amniga. Wasiirka ayaa sidoo kale ka digay saameynta ballaaran ee Socdaalka aan caadiga ahayn ee Liibiya iyo dalalka Meditereeniyaan, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda Taageerada Caalamiga ah ee maareynta arrimaha. Liibiya ayaa weli ah marinka ugu weyn ee Muhaajiriinta, iyadoo Mas'uuliyiinta ey wajahayaan cadaadisyo badan oo lagu Xakameynayo Qulqulka Socdaalka ee Yurub.

ISHA-LO.

Previous
Previous

GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISO SHARCIYEED.

Next
Next

186-TAHRIIBE OO LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA YEMAN.