GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISO SHARCIYEED.

(SAWIRKA)-XILDHIBAAN CUSUB OO LA DHAARAIYEY.

(MUQDISHO)-Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa afaraad, waxaana shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka. Intaasi ka dib Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha u aqriyay heshiiska u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turki ee ku saabsan iskaashiga Caalamiga ah ee Garsoorka, muhiimada heshiiskan iyo danaha Qaranka ugu jira isagoo xusay in heshiiskan uu yahay mid muhiim ah oo wax badan ka bedeli doona shaqada Garsoorka Soomaaliya. Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka la Wadaagay Warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedyada kala ah Sharciga wax ka bedelka Sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal gelinta Argagixisada iyo Hindise Sharciyeedka Canshuurta Dakhliga, waxaana Xildhibaanadda Golaha ey aragtidooda ka dhiibteen labadan sharci ee ey soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, iyagoo dooda ku saleeyay muhiimada uu Qaranka u leeyahay iyo hadii ey jiraan qodobo khilaaf keeni kara. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo iney warbixinta Akhrinta Sedaxaad ku soo daraan talooyinka iyo dooda Xildhibaanada isla markaana Golaha ku so celiyaan labadaan sharci, Kooramka maanta ayaa waxa uu ku furmay 141-Xildhibaan,waxaane maanta la buuxiyey Kursigii uu baneeyey Xildhibaan Saadq Joon oo hadda ah ku xigeenka Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

600-QOF OO KU DHIMATAY DAGAAL KA DHACAY SURIYA.

Next
Next

LIIBIYA OO QM KA DALBATAY IN LAGA KAALMEEYO DIB…