600-QOF OO KU DHIMATAY DAGAAL KA DHACAY SURIYA.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA AMAANKA SURIYA.
(SYRIA)-Tirada dhimashada isku dhacyada labada maalmood ee u dhexeeya Ciidamada Ammaanka Suriya iyo kuwa daacada u ah Madaxweynaha la Afgambiyey ee Suuriya Bashaar Al-asad iyo dilalka Aargoosiga ah ee ka dambeeyay ayaa kor u dhaaftay 600 oo qof, koox la socodka dagaalka ayaa Sabtidii maanta ah sheegtay, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah rabshadihii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii ey dagaallada Suuriya billowday 14 sano ka hor. Iska horimaadyadan oo dhacay Khamiistii, ayaa muujiyay iney sii xoogeysanayaan loolanka ka dhanka ah dowladda cusub ee Dimishiq, saddex bilood ka dib markii fallaagada ey Xukunka la wareegeen markii Xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad. Dawladdu waxay sheegtay iney ka jawaabayeen weerarada ka imanaya Haraadiga Ciidamada Bashaar Al-Asad waxayna ku eedaysay "Falalka shakhsiyeed" rabshadaha baahsan. Dilalka Aargoosiga ah ee billowday Jimcihii shalay rag hubeysan oo muslimiin Sunniyiin ah oo daacad u ah dowladda ayaa waxaa dilay xubno ka tirsan dariiqada Calawiyiinta ee laga tirada badan yahay ee Bashaar Al-Asad, waxay dhabar-jab weyn ku tahay Hayat Taxriir Al-Sham oo ah garabkii Hoggaaminayay Afgambiga dowladdii hore. Calawiyiintu waxay qayb weyn ka ahaayeen saldhigga taageerada Asad muddo tobanaan sano ah. Dadka ku nool tuulooyinka iyo magaalooyinka Calawiyiinta ayaa Wakaaladda Wararka ee Associated Press kala hadlay dilal ey rag hubaysani ku toogteen waddooyinka ama albaabada guryahooda. Guryo badan oo Calawiyiin ah ayaa la bililiqaystay ka dibna dab la qabadsiiyay meelo kala duwan, sida ey (AP) u sheegeen laba qof oo deggan Gobolka Xeebta ee Suuriya.
Waxa ey codsadeen in aan magacyadooda la shaacin sababo la xiriira cabsi ey ka qabaan in ey dilaan kooxo hubeysan, waxaana ey intaa ku dareen in kumanaan qof ey u carareen buuraha ku dhow dhow. Dadka deegaanka Baniya oo ka mid ah magaalooyinka ey rabshaduhu sida xun u saameeyeen ayaa sheegay in meydadku ey daadsan yihiin waddooyinka ama aan lagu aasin guryaha iyo saqafka sare ee dhismooyinka, cidna eysan awoodin iney soo ururiso. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dableyda hubeysan ey muddo saacado ah dadka deegaanka ka hor istaageen in ey soo qaadaan meydadka shan ka mid ah dadka deriska la ah oo Jimcihii lagu dilay meel u dhow. Cali Sheha, oo 57 jir ah oo deggan Baniyas oo isaga iyo qoyskiisa iyo deriskiisa la qaxay saacado ka dib markii rabshaduhu dhaceen Jimcihii, ayaa sheegay in ugu yaraan 20 ka mid ah deriskiisa iyo saaxiibbadiis lagu dilay xaafad ka mid ah Baniyas oo ey degganaayeen Calawiyiinta, kuwaas oo qaarkood lagu dilay dukaankooda, ama guryahooda.
Sheha ayaa ku tilmaamay weerarada "dilalka aargoosiga ah" ee dadka laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta ee dambiyada ey gashey dowladda Asad. Dadka kale ee deegaanka ayaa sheegay in dableyda ey ku jireen dagaalyahano Ajaaniib ah, iyo maleeshiyaad ka yimid tuulooyinka iyo magaalooyinka deriska la ah. “Waxay ahayd mid aad u xun. Meydad ayaa yaallay waddooyinka,” markii uu baxsanayay, ayuu yiri Sheha, isagoo taleefoon kula hadlayay meel ku dhow 20 kiiloomitir (12 mayl) magaalada u jirta. Waxa uu sheegay in dableyda ey isku uruursanayeen wax ka yar 100 mitir dhismihii uu daganaa, iyaga oo si aan kala sooc lahayn u rasaaseeyay guryaha iyo dadka deegaanka, ugu yaraanna hal dhacdo oo uu garanayo, ayaa dadka deegaanka ka codsaday in ey hubiyaan diintooda iyo kooxahooda ka hor inta eysan dilin. Sidoo kale waxa uu sheegay in dableydaasi ey gubeen guryo, islamarkaana ey dhaceen baabuur, sidoo kalena ey dhaceen guryo. “Tirada dhimashada ayaa saddex jibaarantay”. Kooxda Kormeerka Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya ee fadhigeedu yahay Ingiriiska, oo ah kormeere dagaal, ayaa sheegtay in 428 Calawiyiin ah lagu dilay Weerarro Aargoosi ah marka lagu daro 120 dagaalyahanno taabacsan Bashar Al-Asad iyo 89 ka mid ah Ciidamada Ammaanka. Madaxa kormeerka Rami Abdurrahman ayaa sheegay in dilalka Aargoosiga ah ey joogsadeen subaxnimadii Sabtida. "Tani waxay ahayd mid ka mid ah Xasuuqii ugu weynaa intii lagu jiray iskahorimaadka Suuriya," ayuu Cabdiraxmaan ka yiri dilka dadka rayidka ah ee Calawiyiinta. Tirakoobkii hore oo ey kooxdu sheegtay ayaa ka badan 200 oo dhimasho ah. Ma jirto tiro rasmi ah oo la soo saaray. Waxaa galabnimadii sabtida aas loo sameeyay afar ka tirsan Ciidamada Ammaanka Suuriya tuulada Al-Janoudiya ee Waqooyi-Galbeed ka dib markii lagu dilay iska horimaadyada ka dhacay Xeebaha Suuriya. Dad aad u fara badan ayaa ka soo qeyb galay aaska. Wararka rasmiga ah ayaa sheegaya in ciidamada Suuriya oo dib ula wareegay gacan ku heynta Wakaaladda Wararka ee Suuriya oo soo xiganaysa sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidamada dowladda ey dib ugala wareegeen gacan ku heynta inta badan goobaha ey ku sugan yihiin ciidamada daacadda u ah Bashaar Al-Asad. Waxay intaas ku dartay in mas'uuliyiinta ey xireen dhammaan waddooyinka soo gala Gobolka xeebta "si looga hortago xadgudubyada oo si tartiib tartiib ah loo soo celiyo xasilloonida."
Subaxnimadii Sabtida, meydadka 31 qof oo lagu dilay weeraro Aargoosi ah oo maalin ka hor ka dhacay bartamaha tuulada Tuwaym ayaa lagu aasay Xabaal Wadareed, sida ey sheegeen dadka deegaanka. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray sagaal caruur ah iyo afar dumar ah, sida ey sheegeen dadka deegaanka, iyagoo diraya sawirada AP ee meydadka oo ku labisnaa maro cad, xilli ey ku jireen Xabaal Wadareedyo. Xaydar Naasir oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Lubnaan oo haysta mid ka mid ah labada kursi ee loo qoondeeyay dariiqada Calawiyiinta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in dadka ey ka soo qaxeen Suuriya si ey ammaan ugu helaan Lubnaan. Waxa uu sheegay in aanu hayn tiro sax ah.
Naasir ayaa sheegay in dad badan ey gabaad ka dhiganayaan saldhiga ciidamada cirka ee Ruushka ku leeyihiin magaalada Xumeyn ee dalka Suuriya, isagoo intaa ku daray in Beesha Caalamka ey tahay iney ilaaliyaan Calawiyiinta oo ah muwaadiniin Suuriyiin ah oo daacad u ah dalkooda. Waxa uu sheegay in tan iyo markii Bashaar Al-asad la riday ey dad badan oo Calawiyiin ah shaqada laga eryay, isla markaana la dilay qaar ka mid ah askartii hore ee la heshiisay maamulka cusub. Xilligii Asad, Calawiyiintu waxay hayeen jagooyinka ugu sareeya Ciidamada iyo Hay'adaha Amniga. Dowladda cusub ayaa ku eedeysay taageerayaashiisa iney ka dambeeyeen weeraro ka dhan ah ciidamada cusub ee dalka dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.
Iska horimaadkii ugu dambeeyay ayaa bilowday markii ciidamada dowladda ey isku dayeen iney qabtaan qof la baadigoobayay meel u dhow magaalada Xeebta ah ee Jableh, waxaana weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamada daacada u ah Asad, sida ey sheegeen kormeerayaasha.
ISHA-AN.