SARAAKIIL LOO XIRAY LA SHAQEYNTA ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-WASIIR CUMAR CALI CABDI.

(MUQDISHO)-Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ey dabagal ku heyso Saraakiil Xogta Dagaalka siiya kooxda AL-Shabaab. Wasiirka ayaa sheegay Saraakiisha la tuhunsan yahay oo Darajooyin heysta laga fariisiyey shaqada, isla markaana ey ka sheekeeyaan maqaayadaha, iyagoo ka shaqeeya Qalqal Gelinta Bulshada. Wuxuu si cad u sheegay in Saraakiishaas ey Xogta toos ula Wadaagaan AL-Shabaab, iyagoo u sheegaya deegaanada laga soo baxay, khasaaraha dhacay iyo dhinacyada ey ka jilicsan tahay dowladdu, sida uu hadalkiisa u dhigay. “Saraakiisha la fadhiisiyey ee AL-Shabaab xogaha siiya ee dhahaayo meel hebel ayaa laga soo dhaqaaqay ee maqaayadaha fadhiya waa daba galeynaa, darajadooda ayeyna waayi doonaan,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi. Sidoo kale, Wasiirka ayaa farriin u diray Siyaasiyiin uu sheegay iney shacabka niyad jebiyaan Shabaab-na si dadban ugu muujiyaan taageero, iyagoo ku xumeynaya Madaxda dowladda. “Siyaasiyiinta qaar ayaa liidnaasho dhanka dowladda ah ka raadiya dagaalka Khawaarijta, waxaa jira meelo kale oo gaabis ka jiro oo dowladda lagu dhaliili karo, laakiin Amnigu waa muhiim, AL-Shabaab maanta waa u simanahay ninka mucaaradka ah ee guul daradeena ku raaxeysanaya iyo aniga oo dagaalka toos ugu jira, qof kasta dil ayuu ugu xukuman yahay kooxdaas,” ayuu yiri. Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ah weydiiyey “Hadii dagaalkaan aad dhex dhexaad ka noqoto halkee rabtaa berri inaad Xukunto, walaalayaal aan u midowno dagaalka cadowgeena” ayuu yiri. Sidoo kale Wasiirka ayaa aad u amaanay Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo shacabkooda ku garab istaagay dagaalka, wuxuuna u rajeeyey iney ka guuleystaan kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad ey ka xoreynayaan. Dhinaca kale, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa digniin u diray shacabka ku nool deegaanada ey Shabaab joogaan, isagoo u sheegay in duqeyn culus lagu bilaabayo kooxda, kana dalbaday iney ka fogaadaan.

ISHA-CO.


Previous
Previous

MARAYKANA OO EY KA DHACDAY TOOGASHO LAGU DILAY ASKERI.

Next
Next

600-QOF OO KU DHIMATAY DAGAAL KA DHACAY SURIYA.