MARAYKANA OO EY KA DHACDAY TOOGASHO LAGU DILAY ASKERI.

(SAWIRKA)-GOOBTA TOOGASHADU EY KA DHACDAY.

(NEW JERSY)-Sarkaal ka tirsan booliiska magaaladda Newark ayaa lagu dilay halka sarkaal kale uu dhaawac halis ah uu kasoo gaaray toogasho ka dhacday magaalada ugu weyn New Jersey fiidnimadii shalay oo Jimcaha ahayd, sida ey sheegeen Ururka iyo Saraakiisha Booliiska. Rasaas ayaa ka dhacday 6-dii Maqribnimo ka dib Aagga Broadway iyo Carteret Street ee Waqooyiga Ward ee magaalada, Xafiiska Dacwad Oogaha degmada Essex ayaa sidaas sheegay. Booliska ayaa ka jawaabay ka dib markii 18 Xabbadood la riday. Markii ey goobta soo gaareen ciidamada ayaa la kulmay rasaas, waxayna dalbadeen gurmad deg deg ah. Labo sarkaal ayaa la toogtay, sida ey saraakiishu sheegeen. Mid ka mid ah askarta ayey Xabadu madaxa kaga dhacday, waxaana loola cararay Isbitaalka Jaamacadda, isagoo xaaladdiisu aad u liidato, halkaasoo markii dambe uu ku dhintay, Ururka Samafalka ee Booliska Gobolka New Jersey ayaa Qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay. Sarkaalka kale ayaa isna dhaawac halis ah uu soo gaaray, balse waxaa soo gaaray dhaawacyo aan loo arkin iney halis ku yihiin nolosha, sida uu sheegay Xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka.

“SARAAKIISHA SI CAD LOOMA AQOONSANIN”.

Eedeysanaha ayaa Xabsiga la dhigay, waxaana la rumeysan yahay inuu mas’uul ka ahaa rasaasta lagu furay askarta, sida ey saraakiishu sheegeen. Guddoomiyaha Gobolka New Jersey Phil Murphy ayaa sheegay in "lagu cusboonaysiiyay dhacdo" ey ku lug leeyihiin Saraakiisha Newark, wuxuuna dadka ku booriyay iney "u duceeyaan Saraakiishan, Qoysaskooda, iyo dhammaan Raggeena iyo Dumarkayaga xiran labiska Ciidamadda Booliska kuwaas oo naftooda u huray iney ina badbaadiyaan." Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Gobolka ayaa sheegay iney sidoo kale la socdaan xaaladda, Wax war ah oo intaas ka dheer lagama hayo,waxaane socdo Baaritaan. Goor dambe oo xalay ahayd ayey booliska New Jersy waxa sheegeen askeriga la toogtay ee dhintay waxa eyna magaciisa ku sheegeen Joseph Azcona oo 26-jir,waxaane toogtay oo dilay sida la rumaysan yahay wiil 14-jir ah oo heystay hub sharci dara ah,sarkalkan Boolsika ah ee la dilay ayaa dhawaan loo dalacsiiyey qeybta dembi baarista.

ISHA-AOL NEWS.

Previous
Previous

XABAAL WADAREED LAGA HELAY SURIYA.

Next
Next

SARAAKIIL LOO XIRAY LA SHAQEYNTA ALSHABAAB.