XABAAL WADAREED LAGA HELAY SURIYA.
(SAWIRKA)-BAARAYAAL.
(ISTANBUL)-Xabaal Wadareed ey ku jiraan Haraadiga Ciidamada Ammaanka iyo Booliiska ayaa laga helay meel u dhow magaalada Qardaha ee Waqooyi-Galbeed ee dalka Suuriya, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Dowladda Suriya ee SANA maanta oo Axad ah. "Xasuuq bahalnimo ah ayaa Haraagii taliskii dhacay ey u geysteen booliska iyo Ciidamada Ammaanka ee magaalada Qardaha," SANA ayaa tiri. Wakaaladda Wararka SANA oo soo xiganeysa ilo dhanka Ammaanka ah oo ku sugan Gobolka Ladiqiyah ayaa sheegay in Xabaal Wadareedkan laga helay Agagaarka magaalada Qardaha, iyadoo aan faah faahin laga bixin xilliga uu dilku dhacay. Horaantii Axadii, Wasaaradda Difaaca ee dalka Suuriya ayaa ku dhawaaqday in uu billowday Wejigii labaad ee Howlgallada militari ee lagu baacsanayo Haraadiga maamulka Bashaar AL-Asad ee ku sugan dhulka Miyiga ah iyo buuraha ah, ka dib markii dib loo soo celiyay Ammaanka magaalooyinka Xeebta ah. Maalmihii la soo dhaafay, Gobollada Xeebta ah ee Laadiqiyah iyo Tartuus ayaa laga dareemayay Xiisado Ammaan oo aad loo adkeeyay iyadoo ey jiraan weeraro abaabulan oo ey fulinayaan taageerayaasha maamulkii talada laga tuuray. Weeraradan oo lagu tilmaamay kuwii ugu darnaa tan iyo dhiciddii taliskii bishii Disembar ayaa lala beegsaday Roondo Amni, Koontaroolo, iyo Isbitaallo, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada Ammaanka iyo kuwa milateriga oo ka jawaabayey weerarkan ayaa billaabay howlgallo ballaaran oo ey ku baadi-goobayaan kooxihii weerarka geystay, taasoo keentay Iska-horimaad xooggan. Assad, Hogaamiyaha Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u cararay dalka Ruushka 8-dii December, isagoo soo afjaray taliskii Baath Party, oo Xukunka hayay tan iyo 1963-kii. Axmed AL-Sharac, oo Hogaaminayey xoogaga ka soo horjeeda Nidaamka Asad, ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha KMG ah 29-kii Jannaayo.
ISHA-ANADOLU.