SOOMALIYA IYO TURKIGA OO HESHIIS JIRAY WAX KA BEDELAY.

(SAWIRKA)-WASIRADA G/DHIGA SOMALIYA IYO TURKIGA.

(ISTANBUL)-Wararka laga helaayo magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiga, Mudane Yaşar Güler, ey maanta oo khamiis ah magaalada Istanbul ku kala saxiixday Heshiiska Wax-ka-beddelka Habraaca Fulinta ee kaalmada Maaliyadeed ee 17-kii Luulyo 2019 dhexmaray labada dal. Heshiiskan dib u habeynta ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu Xoojinayo Iskaashiga Istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiga, gaar ahaan dhanka Difaaca, Horumarinta Tayada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu bixiyo Tababarada, Qalabeynta iyo Dhismaha Awoodda Ciidanka. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dib u Eegidda iyo Saxiixa Heshiiskan ey muujinayso sii adkeynta xiriirka labada dal iyo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ey uga go’an tahay iney si hufan oo waafaqsan Maslaxadda Qaranka uga faa’iidaysato taageerada walaaltinimo oo ey ka helayso Dowladda Türkiga.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

XUUTIYIINTA YAMAN OO AFDUUBTAY MARKAB XOOLO KA SOO QAADAY BOOSAASO.

Next
Next

GOLAHA WASIIRADDA OO ANSIXIYEY HESHIIS DHEXMARAY SOOMAALIYA IYO INDONISIYA.