XUUTIYIINTA YAMAN OO AFDUUBTAY MARKAB XOOLO KA SOO QAADAY BOOSAASO.

(SAWIRKA)-MARKABKA LA AFDUUBTAY.

(YEMEN)-Wararka laga helaayo dalka Yaman ayaa sheegaayo in Markab uu ka babanaayo calanka Comoros oo siday Xoolo ayaa la weeraray xilli uu ku socdaalayay Badda Cas ee Xeebaha dalka Yemen, taasoo Markabka ku qasabtay inuu weecdo Dekedda Makha ee Gobolka Ticis ee Koonfur-Galbeed Yemen, sida lagu sheegay bayaan ey soo saartay Shirkadda Ammaanka Badda Ingiriiska ee Ambrey maanta oo Khamiis ah. Sida lagu sheegay bayaanka shirkadda Ambrey, weerarku wuxuu ka dhacay meel qiyaastii 30 Nautical Miles Waqooyi-Galbeed kaga beegan Makha, markii Doon Alwaax ka sameysan oo aan la garanayn ey ku soo dhawaatay markabka. Labo Qarax ayaa xigay, balse ma jiro wax dhaawac ah ama burbur xooggan oo soo gaaray Markabka. Markabkan oo ka dhoofay Dekedda magaaladda Boosaaso ee Dawlad Goboleedka Puntlanda ee Soomaaliya, kuna sii jeeday Dekedda magaaladda Jiddah ee dalka Boqortooyadda Sucuudiga, ayaa la sheegay in lagu amray in loo jiheeyo Makha, iyadoo aan la sheegin halka ey ka yimaadeen Amaradan. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ey sii kordhayso Hanjabaadaha ey maleeshiyada Xuutiyiinta ku hayaan Maraakiibta ku socdaalaya Badda cas, kuwaasoo toddobaadyadii la soo dhaafay dib u bilaabay beegsiga Maraakiibta Ganacsiga, iyagoo ku marmarsiyoonaya iney taageerayaan qadiyadda Falastiin. AMBERY waxay ugu baaqday Maraakiibta Ganacsiga iney ka fogaadaan iney u shiraacdaan Bariga Jaziirada Xaneesh ee Yemen waxayna ku boorisay iney ka fogaadaan doonyaha yar yar ama aan la aqoonsan ee ku soo wajahan aagan xasaasiga ah.

Previous
Previous

HAYADDA SIRDOONKA PUNTLAND EE PISA OO U YEERTAY WARIYE CAAN KA AH PUNTLAND,SABABTA?

Next
Next

SOOMALIYA IYO TURKIGA OO HESHIIS JIRAY WAX KA BEDELAY.