GOLAHA WASIIRADDA OO ANSIXIYEY HESHIIS DHEXMARAY SOOMAALIYA IYO INDONISIYA.
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iney maanta yeesheen kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaaso qabsoomi jiray maalin kasta oo khamiisah, kulanka maanta ayaa waxaa lagu ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesiya, oo ku saabsan in dawladda Indonisiya ey ka dhaafto shuruudaha dal ku galka dadka sita Baasabooradda Diblumaasiga iyo Shaqada, si loo fududeeyo Arrimaha Socdaalka ee labada dal ee soomaaliya iyo Indonisiya. Kulanka oo uu shir Guddoomiyey Raysal Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, isla kulanka maanta dhacay ayaa warbixin lagaga dhageystay Guddiga xal u helidda Saxmadda Waddooyinka caasimadda Muqdisho taasoo ku saabsan caqabadaha keenay Saxmadda iyo sidii xal waara loogu heli lahaa culeyska Saxmadda iyo saameynta ey ku yeelatay isku socodka Waddooyinka Caasimadda Muqdisho. Golaha Wasiirrada ee xukuumadda JFS ayaa warbixino ka dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinadaaso ku saabsan Amniga, dib-u-Xoreynta iyo Xasillinta dalka.
ISHA-SNTV.