NIN JIRDILAY GABAR U DHAXDAY OO BOOLISKA MUQDISHO SOO QABTAY.
(SAWIRKA)-NINKA JIRDILKA U GEYSTAY XAASKIISA.
(MUQDISHO)-Magaaladda Muqdisho waa caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaane ku nool dad fara badan oo lagu qiyaasay iney gaarayaan ilaa afar Milyan kuwaaso isaga kala yimid Goboladda dalka oo dhan. Magaaladda oo hadda ah mid uu aad u sareeyo Amnigeeda marka loo fiiriyo marxaaldihii Amni ey horay soo martay, laakinse magaaladda Muqdisho waxaa hadda ka dhaca falal Argagax leh oo qofkii maqlo amaba arkaa uu si aad ah ula yaabaayo, waayo magaaladda waxaa jirto shaqo la’aan baahsan oo aad u saameysay dhallinyarada ku nool, ha ahaadeen kuwa soo dhaameeyey Jaamicadaha iyo dugsiyadda Sare amaba kuwa aan wax baran oo ka yimid miyiga,waxaa kaloo magaaladda Muqdisho fara ba’an ku haayo Isticmaalka Maandooriyaha oo isna qeyb lixaad leh ku leh dembiyadda ka dhaca magaaladda habeen iyo maalibna. Dhawr maalmood ka hor waxaa baraha Bulshada gaar ahaan Barta Facebook-ga la soo dhigay sawir Gabar wijigeeda si aad xun loo soo dhaawacay, eynaba adag tahay inaad isha la sii raacdid dhaawacyadda ka muuqda dartood,Gebertaas ayaa la sheegay inuu sidaas yeelay ninkii ey iyada u dhaxday ugana timid dalka dibadiisa si ey ula noolaato. Booliska Qeybta G/Banaadir gaar ahaan Saldhiga Booliska ee Degmada Dayniile aya gacanta ku soo dhigay ninkii geberta u geystay dhaawicii halista ahaa ee dhalliyeyne Argagaxa,
Eedeysanaha la soo qabtay ayey Booliska Magaciisa ku sheegeen in la yiraahdo MAXAMED C/LAAHI CALI magaca Gebertna waxa uu Booliska ku sheegay in la yiraahdo KHADRA C/LAAHI MAXAMUD. Waraysi ey bixisay Khadra ayey ku sheegtay iney tahay Hooyo leh hal cunug ninkaan jirdilayne ey is guursadeen Sannadkii hore 2024-kii, hadane ey Muqdisho u timid iney wada aqal galaan balse uu is bedelay Bahal una geystay Jirdil si aad ah looga Argagaxo,Khadra waxa ey degan tahay oo ey ku nooleed dalka Hooland. Booliska ayaa sheegay in Eedeysane Maxamed C/laahi Cali la horgeyn doono sharciga lana marsiin doono waxa uu muteysto.
ISHA-SB-MEDIA.