PUNTLAND MAXAY KALA KULMI KARTAA HADDII TURKIGU QAADO TALLAABO CIIDAN?

(SAWIRKA)-MADAXDA.

(MUQDISHO)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Afduubka iyo Xad Gudub ku tilmaantay falkii ay ciidamada PMPF ee maamul Goboleedka Puntland ku qabsadeen markabka SEA WORLD. Afduubka markabkan ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay iney fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland. DFS waxay markii ugu horeysay caddeysay in Markabku uu ku soo jeeday Dekedda Muqdisho, isla markaana uu siday Qalab Ciidan oo sharci ah, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo xigatay Qodobka 54aad ee Dastuurka KMG, ayaa caddeysay iney u xilsaaran tahay Difaaca Amniga Qaranka bad iyo berriba. Haddaba waxaa la sugayaa tallaabada ey qaadi karto Dowladda Federalka Soomaaliya haddii ey Puntland diido iney sii deyso markabka ama ey la wareegto Hubka saaran oo ah mid culus looguna talagalay TURKSOM. Maamulka Goboleedka Puntland ee uu Madaxweynaha ka yahay Sciiid Deni ayaan weli wax go’aan ah ka qaadan Markabka iyo Hubka saaran, balse waxay uu sheegay iney baaritaan ku wadaan.

XAYIRAAD:

DFS waxay xayiraad saari kartaa dhammaan Xeebaha Dawlad Goboleedka Puntland oo loo aqoonsan karo goob halis ah oo Burcad Badeed ey ka howlgasho. Waxaa kaloo ey qaadi kartaa in Ciidamada Badda Puntland ey Tababartay Imaaraatka Carabta loona yaqaano PMPF oo ka danbeeyay qabsashada markabka Sea World ey u aqoonsato Sharci darro iyo Burcad Badeed. Sida la ogyahay waa ciidamo ey tababartay oo ey gacanta ku heyso dowladda Imaaraadka oo xiriir dhow la leh Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.

WEERAR:

Tallaabada kale ee DFS la saadaalin karo iney qaado ayaa noqon karta weerar si loo soo furto markabka Hubka sida oo hadda ku xiran dekadda Boosaaso. Weerarku ma aha arrintan fudud milateri ahaan iyo siyaasad ahaanba, balse maalmihii ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada buuxiyay qoraallo dowladda Turkiga loogu baaqayo iney weerarto dekadda Boosaaso iyo maamulka Puntland. Qoraalladaasi waxaa faafinayay xubno Turki ah oo Arrimaha Soomaaliya ka hadla iyo taageerayaasha DFS iyo Khaatumo. Kiiska markabkan wuxuu si toos saameyn ugu yeelan doonaa dalalka Turkiga iyo Imaaraadka oo kala taageera dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.

WAAN WAAN:

Waxaa jirta rajo laga qabo in xaaladda kusoo dhammaato in Puntland ey sii deyso Markabka, iyadoo ey socdaan waan-waan ey wadaan dhinacyo kala duwan oo Qaramada Midoobay ka mid tahay balse aan la sheegin karin natiijadeeda bacdamaa DG Puntland uu si aad ah u daneynaayo in QM ey ka laabato Cunaqabateyntii Hubka ee laga qaada DFS,taaso in marar badan afkiisa laga maqlay Wasiirka Arrimaha Gudaha DG Puntland Cabdi Faarax Juxa.

UGU DAMBEYN:

Khilaafka Siyaasaddeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay, isagoo hadda u gudbay dhinaca Badda iyo Amniga Maraakiibta marta Xeebaha Bari ee daka Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Dawladda Turkiga ey heysato awood buuxda ey kaga hortegi karto weeradda Burcadnimo ee ka dhaca Xeebaha dalka Soomaaliya muddo 10-sano ah ey ku jiraan Berbera,Boosaaso iyo Kismaayo,waxaane awoodaas Turkiga u saxiixay Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

ISHA-RISAALA.

Previous
Previous

NIN JIRDILAY GABAR U DHAXDAY OO BOOLISKA MUQDISHO SOO QABTAY.

Next
Next

GURMAD SOO KALA GAARAY GARBIHII KU DAGAALAMAY DEG.B/XAAWO.