GURMAD SOO KALA GAARAY GARBIHII KU DAGAALAMAY DEG.B/XAAWO.
(SAWIRKA)C/RASHIID JANAN.
(GEDO)-Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa weli wajahaysa xiisad dagaal oo cirka isku shareertay, ka dib markii iska horimaad culus uu shalay ka dhacay gudaha magaalada, kaasoo u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Jubaland. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda laga dareemayo xaafadaha iyo duleedka Beledxaawo, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale uu dagaal culus uu halkaasi ka qarxo, maadaama labada dhinac ay heleen gurmad ciidan. Isku dhacyada labada dhinac ayaa billowday ka dib markii Cabdirashiid Janan oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga ee DG J/land ey dhowaan dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday Taliyaha Nbaad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(NISA) ee Gobolka Gedo,waxaane si rasmi ah magaalada Beledxaawo loogu keenay diyaarad ciidan. Tallaabadaas ayaa si adag uga hor yimid DG Jubaland, taasoo ku tilmaantay mid halis gelinaysa Amniga Gobolka isla markaana hurinaysa fawdo cusub. Xaaladda Beledxaawo ayaa xilligaan ah mid kacsan oo aan deganeyn. Sida wararku laga helaayo Beledxaawo sheegayaan, magaalada inteeda badan waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka Jubaland, halka Cabdirashiid Janan iyo ciidamo taabacsan uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada. Waxaa la sheegayaa in adeegyada isgaarsiinta magaalada ay hawada ka maqan yihiin, iyadoo dadka rayidka ah ay adeegsanayaan shabakadda Safaricom ee Mandheera oo kaliya laga heli karo. Inkasta oo saakay la sheegay in xaaladda ay u muuqato mid deggan, haddana cabsi xooggan ayaa wali jirta, iyadoo shacabka deegaanka ay muujinayaan walaac la xiriira suuragalnimada dagaal hor leh inuu mar kale ka dhaco gudaha iy ahreeraha degmada B/xaawo. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Jubaland ayaa midba midka kale ku eedeynaya hurinta xiisadda hadda ka taagan B/xaawo, iyadoo weli aan la arag dadaallo muuqda oo lagu xallinayo khilaafka taagan ee sababay gacan ka hadl ey ku geeriyoodeen dad gaaraayo iaa 10-qofood,eyna ku dhawacmeen tiro intaas ka badan.
ISHA-DALSAN.