SOOMALILAND OO XABISIGA DHIGTAY SIYAASI JAAMAC SHABEEL.

(SAWIRKA)-JAAMAC SHABEEL.

(HARGEISA/SOMALILAND)-Wararka ka imaanaya magaalada Wajaale ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Soomaaliland ay xireen siyaasiga caanka ah ee Jaamac Shabeel, xilli uu ka soo laabtay safar uu ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Woqooyi-Bari. Inkasta oo aan weli la helin war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda, haddana xariga lagu sheegay siyaasigan ayaa dhalinaya hadal-hayn siyaasadeed oo xooggan. Jaamac Shabeel ayaa dhowaan safar dhawr maalmood qaatay ku tagey magaalada Laascaanood, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey, una kula kulmay madaxda maamulka Woqooyi-Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Shabeel waxa uu markii hore ujeedada safarkiisa Laascaanood ku sheegay inuu madaxda Waqooyi Bari kala hadli doono arrimaha Maxaabiista ku xiran magaaladaas, balse intii uu joogay halkaas waxa uu sheegayay hadallo hadan oo qaarkod ay Soomaaliland dhibsatay. Dhinaca kale,ciidamadda Booliska Soomaaliland ayaa tallaabo adag ka qaaday koox la sheegay iney bistoolafo ku hubeysnaayeen lana socday Madaxweynihii hore ee Somaliland Korneyl Muuse Biixi kaaso saakay ka dhoofaayey Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaaladda Hargeysa. Ciidamadda Ilaaladda Garoonka ayaa is hortaagay in ilaaladda Ex.Madaxweyne Biixi ey hubka la galaan Garoonka,waxaane lagu wargeliyey in wixii hub ah ey kaga tagaan banaanka Garoonka. Qaar ka mid ah ilaaladda Ex.Madaxweyne Biixi ayaa amar diido sameeyey oo rasaas adeegsaday kuwaaso markii dambe xabsiga loo taxaabay,walaw markii dambe lagu sii daayey Damaanad. Booliska Garoonka Cigaal ee Hargeys ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ilaaladda Biixi in loo ogolaaday iney gudaha u galaan Garoonka ka dib markii ey wareejiyeen Bastooladihii ey wateen.

XIGASHO-WAKAALADDO.

Previous
Previous

DIL KA DHACAY DEG.C/WAAQ EE GOBOLKA GALGADUUD.

Next
Next

WAR CUSUB OO KA SOO KORDHAY NINKII DILKA KA GEYSTAY….